Waa Kuma Omari Forson? Dheemanka Manchester United U Beddelay Rasmus Hojlund


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa kalsooni buuxda u muujiyey wiilka da’da yar ee Omari Forson oo kusoo bilowday ciyaartiisii ugu horreysay ee Premier League kulanka ay Red Devils la dheelayso Fulham, isaga oo beddelay Rasmus Hojlund oo dhaawac muruqa ah kaga maqan ciyaartan.

Erik ten Hag ayaa da’yarta uga yeedhay Omari Forson oo kusoo bilaabay garabka bidix, iyadoo Marcus Rashford uu u riixay weerarka dhexe, halka Antony uu kursiga kaydka fadhiyo, booskiisii garabka midigna uu ka dheelayo Alejandro Garnacho.

Forson ayaa hore kooxda koowaad ugu saftay saddex ciyaarood oo midkii ugu dambeeyey ahayd kulankii Wolves ee bishii hore oo uu beddel kusoo galay, waxaase uu maanta noqday lama filaan lagu arkay safka koowaad oo aanay cidina filaynin.

Ten Hag oo sharraxayay sababta uu ugu soo bilaabay Omari Forson ayaa yidhi: “Sababtoo ah wuu u qalmaa booska, dhowaanahanna waxa uu soo bandhigayay bandhig fiican, sidaas ayaanu ahaa qaybtii hore ee sannadka. Waa ciyaartoy si adag u shaqeeya, muujiya awoodda uu u leeyahay inuu hormar sameeyo, markii uu beddelka kusoo galay ciyaarihii Wolves iyo Newport na, waxa uu isbeddel ku sameeyey ciyaarta.”

Si kastaba ha ahaatee, Omari Forson waa 19 jir ka ciyaara afka hore, waxaana uu hayaa raadka Kobbie Mainoo isaguna isku muujiyey fursad yar oo uu tababare Ten Hag siiyey, haddana joogto ka noqday khadka dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*