Tobankii Ciyaartoy Ee Sheikh Jassim Uu Doonayey Inuu Keeno Manchester United Oo La Shaaciyey


Manchester United ayaa heli lahayd toban ciyaartoy oo si dhab ah u dhalan-geddiyi lahaa haddii ay qoyska reer Glazer ka iibin lahaayeen maalqabeenka reer Qatar ee Sheikh Jassim oo doonayey in uu gebi ahaanba la wareego mulkiyadda naadigan, ka hor intii aanu Sir Jim Ratcliffe iibsanin 27% saamiyada kooxan.

Salaasadii ayaa uu xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ku dhawaaqay in 27.7% uu Sir Jim Ratcliffe la wareegay mulkiyadda Man United, waxaana laga sugayaa inuu dhaqan-geliyo heshiiskii ay wada galeen qoyska reer Glazer oo dhigaya inuu 270 milyan oo Gini ku maalgeliyo kooxda.

Si kastaba, taageereyaasha kooxda ayaa waxa ay jeclaan lahaayeen in Sheikh Jassim laga iibiyo kooxda sababtoo ah waxa uu ka dhigi lahaa mid ka mid ah kooxaha xiddigaha ugu waaweyn ku hubaysan.

Wargeyska El Pais ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa soo bandhigay magacyada toban ciyaartoy oo ay Manchester United heli lahayd haddii uu Sheikh Jassim la wareegi lahaa, kuwaas oo ku jiray qorshaha maalqabeenka reer Qatar.

Sheikh Jassim ayaa waxa uu doonayey inuu Old Trafford keeno Harry Kane iyo Kim Min-Jae oo labadaba ay Bayern Munich xagaagii la saxeexatay, Alexis Mac Allister oo Liverpool ay kala soo wareegtay Brighton iyo Adrien Rabiot oo Juventus khadka dhexe uga dheela.

Waxa kale oo uu Sheikh Jassim doonayey inuu keeno Old Trafford labada weeraryahan ee Victor Osimhem oo xulka qaranka Nigeria iyo kooxda Napoli u dheela iyo Dusan Vlahovic oo ah hormoodka weerarka Juventus.

Intaas uun kuma ekayn Sheikh Jassim, waxaase uu sidoo kale doonayey inuu la saxeexdo oo uu ku xoojiyo Man United afarta ciyaartoy ee Frenkie de Jong, Kvicha Kvaratskhelia, Kingsley Coman iyo Ronald Araujo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*