Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyey Qorshihiisa Barcelona Iyo Manchester United Oo Lala Xidhiidhinayo


Bayern Munich's German head coach Thomas Tuchel wipes his eye ahead the German first division Bundesliga football match between VfL Bochum and FC Bayern Munich in Bochum, western Germany on February 18, 2024. (Photo by INA FASSBENDER / AFP) / DFL REGULATIONS PROHIBIT ANY USE OF PHOTOGRAPHS AS IMAGE SEQUENCES AND/OR QUASI-VIDEO (Photo by INA FASSBENDER/AFP via Getty Images)

Thomas Tuchel oo ay Bayern Munich shaacisay inuu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaa ka hadlay wararka ku xidhiidhinaya labada kooxood ee Manchester United iyo Barcelona oo la sheegayo in mid walba ay doonayso inay ka dhigato tababaraheeda.

Tuchel oo aan wali bannaynin shaqada waqtiga kooban uu kaga tegayo, ayaa waxa uu ka mid noqday tababareyaasha loogu hadal haynta badan yahay waqtigan ee ay kooxaha waaweyn indhaha ku hayaan.

Warbaahinta ayaa sheegtay, in Manchester United ay doonayso in Tuchel ay ku beddesho Erik ten Hag oo muddo 18 bilood ah laylinayey kooxdaas balse illaa hadda ay isla daalaa-dhacayaan. Waxa kale oo lala xidhiidhinayee Barcelona oo dhamaadka xilli-ciyaareedka uu ka tegayo tababare Xavi Hernandez.

Thomas Tuchel oo warbaahinta la hadlay ayaa la weydiiyey haddii uu tegayo labadan kooxood, waxaana uu ku jawaabay: “Waxba iguma dhacayaan aniga ka hor dhamaadak xilli-ciyaareedka. Waxa aan leeyahay filashooyin xirfadeed oo aad u sarreeya, taasina waa in gebi ahaanba aan ku foognaado Bayern Munich illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka.”

Tuchel oo Bayern Munich ka beddelay Julian Nagelsmann bishii April ee sannadkii hore, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii hore u qaaday horyaalka Bundesliga, laakiin xilli-ciyaareedkan ayaa laga qaaday German Super Cup, sidoo kalena waxa ay ka hadheen koobka labaad ee laga ciyaaro dalkaas ee DFB-Pokal, halka horyaalka ay 11 dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen.

Champions League ayaa sidoo kale ay guul-darraysteen lugtii koowaad ee wareegga 16ka oo ay Lazio kaga soo adkaatay gool madi ahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*