“Tchouaméni Waxa Uu Noqon Doonaa Sidii Mascherano, Waa Difaac Cajiib Ah”


Tababarihii hore ee kooxda kubadda casta AS Monaco ee Robert Moreno ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni uu noqon doono difaac dhexe oo wanaagsan, sidii laacibkii Barcelona iyo xulka Argentina ee Javier Mascherano oo kale.

Robert Moreno oo u dhashay waddanka Spain oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu qiyaasay sida uu Aurelien Tchouameni noqon karayo haddii uu ka ciyaaro difaaca dhexe, waxaana uu yidhi: “Waxa uu leeyahay shuruudihiisa. Haddii uu doonayo, waxa uu noqon karaa sidii uu Mascherano u ahaa Barca. Waxa uu noqon karaa mid ka mid ah difaacyahannada dhexe ee ugu wanaagsan Real Madrid.”

Robert Moreno oo kasoo jeeda maamul goboleedka Catalonia, ayaa intaa ku daray: “Ciyaartooyo tiro yar ayaa leh hibadiisa oo kale, awooddiisa jidheed iyo xoogganaanta maskaxeex. In uu ka ciyaaro difaaca dambe isaga way u fuddahay, mar haddiiba uu arkayo kubadda oo kusoo socota.

“Waxa intaa u dheer, inuu leeyahay awood difaac, wayna u fududdahay inuu sida birta oo kale noqdo marka ay xaaladdu adag tahay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*