YAAB: Alexander-Arnold Oo Looga Taag La’yahay Sharmuuto Ingiriis Ah


Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa muddo sannad ah laga kari la’yahay gabadh sharmuuto ah oo ku qasabtay in laacibkani uu samaysto ilaalo gaar ah oo gurigiisa iyo goobaha uu tegayaba u raacda.

Trent Alexander-Arnold oo dhaawac jilibka ah kaga maqan Liverpool ayaa la sheegay, in muddo sannad ah uu khaati ka taagan yahay gabadh taageere u ah oo jeclaatay, taas oo lagu tilmaamay inay tahay sharmuuto doonayso inuu xidhiidh la yeesho.

Warkan oo uu qoray wargeyska The Sun, ayaa waxa uu intaa ku daray, in laacibkan uu isku dayey inuu isticmaali qaabab kala duwan oo uu kaga baxsan karo gabadhan oo ka hadhi la’, isla markaana ugu tegaysa meel kasta oo uu fadhiisto sida makhaayadaha cuntada iyo xataa gurigiisa.

Trent Alexander-Arnold ayaa waxa uu gurigiisa ku xidhay kaamirooyinka CCTV iyo qalabka qayliya marka la isku dayo in guriga cidi soo gasho, kaddib markii uu helay waraaqo iyo waxyaabo kale oo ay gabadhani usoo dirtay.

Xaaladda ayaa sii xumaatay, waxaana Trent Alexander-Arnold uu ku qasbanaaday inuu samaysto ilaalo gaar ah oo la socota isla markaana gurigiisa u waardiyeysa si uu uga badbaado gabadhan.

Haweenaydan ayaa waxa ay mar usoo dhacday guriga Trent Alexander-Arnold iyadoo doonaysa inay la seexato, waxa kale oo ay ugu tagtay garoonka tababarka halka makhaayadda uu wax ka cuno ay iyadna usii fadhiisato.

Kooxdiisa Liverpool ayuu Trent Alexander-Arnold la socodsiiyey arrinta, waxaanay ka caawinayaan wax kasta oo suurtogal ah oo uu kaga badbaadayo gabadhan oo sidoo kale hanjabaado argagax gelinaya usoo dirtay qoyskiisa, iyadoo ku qasbaysa laacibkan inuu xidhiidh la yeesho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*