Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waxa ka dhaawacmay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo mar kale ay jug soo gaadhay isaga oo ku sugan garoonka tababarka oo isku diyaarinaya ciyaarta Newcastle United ee maanta.
Gabriel Jesus oo garoomada ka maqnaa tan iyo bishii January, ayaa ka dhaawacmay isla halkii qalliinka lagaga sameeyey Dember 2022, hase yeeshee isaga oo soo kabanaya ayaa waxa Sabtidii gaadhay jug kale oo meesha ka saartay in uu qayb ka noqon karo ciyaarta Newcastle United.
Mikel Arteta ayaa sheegay, in Jesus uu mar kale dib u dhaawacmay oo aanu kasoo muuqan doonin ciyaartan, laakiin wuxuu ballan-qaaday inuu dib usoo kaban doono oo uu kooxdiisa caawin doono.
“Si degdeg ah uma xallin karayno dhaawaca Jesus sidii aanu doonaynay, waxaana uu sameeyey falcelin yar tababarkii u dambeeyey.” Ayuu yidhi Mikel Arteta.
Waxa uu intaa ku daray: “Ma doonayno in aanu khatar gelino sababtoo ah in muddo ah ayuu maqnaa, waana ciyaartoy aanu u baahanahay in uu sidiisa ugu fiican usoo kabto, markaa waxa aanu go’aansanay in aanu maalmo kale siino fasax.”
Arsenal ayaa waxa kale oo ka maqan Jurrien Timber oo kusoo dhow inuu kusoo laabto tababarka inkasta oo uu ka jabay jilibka oo qalliin lagu sameeyey, waxaana in uu soo laabanayo iyadoo aanu xilli-ciyaareedku dhamaanin xaqiijiyey tababare Mikel Arteta.
Arsenal ayaa haddii ay ka badiso Newcastle United waxay laba dhibcood usoo jirsan doontaa Liverpool oo hoggaanka haysa, haddii laga badiyana waxa soo gaadhi doonta jug weyn oo damaceedii ahaa inay ku tartanto horyaalka Premier League.
Be the first to comment