Carlo Ancelotti Oo Xaqiijiyey Xiddig Muhiim Ah Oo Usoo Laabtay Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Sevilla


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger oo kusoo bilaaban doona ciyaarta adag ee horyaalka LaLiga ee Sevilla ay martigelin doonaan Axadda, sida uu xaqiijiyey tababare Carlo Ancelotti.

Real Madrid ayaa waxa ku habsaday dhaawacyo tiro badan xilli-ciyaareedkan, gaar ahaan khadka difaaca iyadoo usbuucan ay diiwaangeliyeen dhaawacii 32aad ee soo gaadha ciyaartoydooda xilli-ciyaareedkan socda, waxaana uu noqday Joselu oo muddo laba illaa saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaan doona.

Rudgier oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Getafe ee February 2, ayaa seegay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee kooxdiisa oo laba ka mid ah ay guuleysteen labana laga badiyey. Girona iyo RB Leipzig ayay ka badiyeen muddadaas, waxaana ay barbarro la galeen Atletico Madrid iyo Rayo Vallecano.

Carlo Ancelotti oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in Antonio Rudiger uu taam yahay oo uu waliba kusoo bilaaban doono ciyaarta Sevilla ee habeen dambe, waxaanu si kooban u yidhi: “Rudiger wuu kusoo bilaaban doonaa berri.”

Soo laabashada Antonio Rudiger ayaa waxay imanaysaa iyadoo Real Madrid ay ganaax kaga maqan yihiin Dani Carvajal iyo Eduardo Camavinga, halka ay dhaawacyo yihiin Nacho Fernandez, Eder Militao iyo David Alaba,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*