Ronaldo, Neymar, Kaka, Casemiro Illaa Richarlison – Waa Maxay Sababta Ciyaartoyda Brazil Hal Magac Oo Kaliya Loogu Qoro Garamada?


Waxa lasoo bandhigay sababta ciyaartoyda Brazil ay hal magac oo kaliya ugu qortaan garamadooda ay ku ciyarayaan, halka ciyaartoyda dalalka kale la arko iyadoo mararka qaarkood laba magac ay u qoran yihiin, isla markaana waqtiga ay warbaahintu ka hadlayso ay laba magac isku daba geliyaan.

Ciyaartoyda Brazil lama maqlo magacyo labaad iyo saddexaad, waxaana xataa marka ay warbaahintu ka hadlayso ay kaliya soo qaataan hal magac sida Ronaldo, Neymar, Kaka, Casemiro iyo Richarlison, halka halyeeyada kubadda cagta aan la kala reebin labadooda magac, sida Zinedine Zidane, David Beckham, Frank Lampard, Luis Diaz, Erling Haaland

Waxa lasoo bandhigay sababta ciyaartoyda Brazil ay hal magac oo kaliya ugu qortaan garamadooda ay ku ciyarayaan, halka ciyaartoyda dalalka kale la arko iyadoo mararka qaarkood laba magac ay u qoran yihiin, isla markaana waqtiga ay warbaahintu ka hadlayso ay laba magac isku daba geliyaan.

Ciyaartoyda Brazil lama maqlo magacyo labaad iyo saddexaad, waxaana xataa marka ay warbaahintu ka hadlayso ay kaliya soo qaataan hal magac sida Ronaldo, Neymar, Kaka, Casemiro iyo Richarlison, halka halyeeyada kubadda cagta aan la kala reebin labadooda magac, sida Zinedine Zidane, David Beckham, Frank Lampard, Luis Diaz, Erling Haaland iyo kuwo kale.

Neymar oo magaciisa oo saddexan uu yahay Neymar da Silva Santos Junior waxa loogu yeedhaa Neymar oo kaliya, sidoo kalena Kaka oo magaciisa oo buuxa uu yahay Ricardo Izecson dos Santos Leite ayaa loogu yeedhaa Kaka.

Waddamada kale ee adduunyada, ciyaartoyda intooda badan waxa lasoo bandhigaa magaca koowaad iyo midka awoowga (surname), hase eyeshee inta badan ciyaartoyda Brazil waa hal magac oo kaliya waxa aynu aragno, waxaana la isweydiinayaa sababta.

Ma jiro dhaqan cayiman oo sabab u ah in ciyaartoyda Brazil ay go’aamiyaan in hal magac oo kaliya ay kusoo shaac baxaan, laakiin inta badan reer Brazil ayaa sidaa sameeya.

Givanildo Vieira de Sousa oo ay dadku u yaqaanaan Hulk, waxa sharraxay sababta keentay in magacan loo bixiyo, waxaanu yidhi: “Magacaygu waa naanays la ii bixiyey carrurnimadaydii. Waxa aan jeclaa buugaagta qosol-qosolka ah, kaddibna waxa aan bilaabay in aan la ciyaaro aabbahay oo igu odhan jiray ‘Soco Haulk’. Laga soo bilaabo waqtigaas, wuu isbeddelay magacaygu.”

Wariyaha ciyaaraha ee Alex Bellos ayaa buug uu qoray oo cinwaankiisu yahay: ‘Futebol: The Brazilian Way of Life’ waxa uu ku yidhi: “Ciyaartoyda reer Brazil waa xayaysiis caalami ah oo ka turjumaysa nolosha reer Brazil, sababtoo ah magacyadooda.

“In qofka loogu yeedho magaciisa koowaad waa muujinta isusoo-dhowaansho, in qof loogu yeedho magac naanays ahna, waabay kasii badan tahay.”

Lyris Wiedemann oo barnaamij luuqadda Boortaqiiska ah ka dhiga jaamacadda Standard University ee California ayaa yidhi: “Annagu ma isticmaalno magacyada u dambeeya. Dhaqankayaga ayaa ku dhisan in qof walba uu sidiisa u muuqdo oo aanu ku daba-gabbaanin magaca qoyskiisa.”

Halyeygii Brazil ee Pele ee dhowaanta geeriyooday oo ay dad badan ku doodaan in uu yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxa kaliya loo yaqaanay ‘Pele’, iyadoo magaciisa saxda ahna uu yahay Edson Arantes do Nascimento.

iyo kuwo kale.

Neymar oo magaciisa oo saddexan uu yahay Neymar da Silva Santos Junior waxa loogu yeedhaa Neymar oo kaliya, sidoo kalena Kaka oo magaciisa oo buuxa uu yahay Ricardo Izecson dos Santos Leite ayaa loogu yeedhaa Kaka.

Waddamada kale ee adduunyada, ciyaartoyda intooda badan waxa lasoo bandhigaa magaca koowaad iyo midka awoowga (surname), hase eyeshee inta badan ciyaartoyda Brazil waa hal magac oo kaliya waxa aynu aragno, waxaana la isweydiinayaa sababta.

Ma jiro dhaqan cayiman oo sabab u ah in ciyaartoyda Brazil ay go’aamiyaan in hal magac oo kaliya ay kusoo shaac baxaan, laakiin inta badan reer Brazil ayaa sidaa sameeya.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*