Arsenal Oo War Farxadleh Ka Heshay Dhaawaca Bukayo Saka Ka Hor Kulanka Man City


Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey, in xiddiga ka dhaawacmay kooxdiisa ee Bukayo Saka uu fursad fiican u haysto in uu ciyaaro kulanka Manchester City ee Axadda, isla markaana uu kasoo kabanayo dhaawacii kasoo gaadhay ciyaartii horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ee Lens ee Salaasadii.

Bukayo Saka ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey la daalaa-dhacayay dhaawacyo iy jugo soo gaadhayay oo uu si degdeg ah uga soo kabanayay, waxaana ugu dambaysay ciyaartii Salaasadii ee ay guul-darrada 2-1 ah kala soo laabteen Lens.

Mikel Arteta ayaa lagu canaantay in uu halis gelinayo laacibkan oo u baahan nasiimo iyo waqti uu kusoo kabto, in uu ku cadaadinayo inuu ciyaaro, taasina keenayso dhaawacyadiisa.

Laakiin Arteta oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay, in mar kale uu taam noqonayo Bukayo Saka oo ay suurtogal tahay inuu ciyaaro kulanka Axadda ee Man City, marka la eego sida degdegga ah ee uu usoo kabtay.

“Saka waa uu fiican yahay, waxaanu samaynayaa horumar. Waxay u badan tahay inuu innala joogi doono Axadda.” Sidaas waxa yidhi tababare Mikel Arteta oo ka hadlayay dhaawaca Saka, waxaanu intaa ku daray; “In garoonka uu ka baxay ma ahayn war fiican, laakiin waynu arki doonaa sida uu usoo kabto.”

Mar la weydiiyey in uu xaqiijiyo in uu ciyaari karayo kulanka Man City, waxa uu yidhi: “Anigu dhakhtar ma ihi, balse waxa la ii sheegay in uu ciyaari karayo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*