Real Madrid Oo Sabab Layaableh U Caydhisay Tababaraheedii Da’yarta Iyo Barcelona Oo Sabab U Ah


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaqada ka caydhisay tababaraheedii kooxda da’yarta oo lagu magacaabo Adria Diaz oo qoraal u diray kooxdiisii hore ee Barcelona.

Real Madrid ayaan ka laba-labaynin in ay si degdeg ah ugu wargeliso Diaz in uu lumiyey booskiisa shaqo ee loo magacaabay bishii July ee inna dhaaftay.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegaysa, in Real Madrid ay qaadatay go’aanka eryidda Diaz markii ay ogaatay in uu warqad u diray Barcelona oo uu kasoo shaqeeyey intii u dhaxaysay 2015 illaa 2019.

Warqadda ayaa la sheegay in uu Diaz kusoo bandhigay jacaylka uu u qabo Barcelona iyo maamulkeeda, isaga oo ka falcelinayay sida ay u garab istaageen waqtigii adkaa ee ay hooyadii la xanuunsanaysay xanuunka halista ah ee kansarka.

Diaz ayaa waxa uu tababare ku-xigeen u ahaa Sergio Lopez oo ah macallinka kooxda Juvenil C ee ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 17 jirrada Real Madrid, waxaanay kooxdu magdhow siin doontaa tababarahan ay eriday.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in Diaz uu beeniyey arrintan oo uu isagu go’aansaday in uu iska tago markii eedayntu ay soo baxday.

Ka hor intii aanu ku biirin Real Madrid, Diaz ayaa waxa uu kasoo shaqeeyey kooxda heerka saddexaad ee Sabadell.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*