RASMI: Real Madrid Oo Soo Saartay Liiska Ciyaartoyda Oo HAL Difaac Oo Kali Ah Uu Ku Jiro


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa difaac la’aan noqotay kulanka maanta oo Sabti ah ee Osasuna, waxaana kaliya ay haystaan Antonio Rudiger, kaddib markii uu Carlo Ancelotti xaqiijiyey in aanu taam ahayn David Alaba.

Real Madrid ayaa waxa ka maqan Nacho Fernandez oo ganaax saddex ciyaarood ah la saaray, kaddib qalad doqoniimo ahaa oo uu kula kacay Portu oo u dheela Girona kulankii guusha weyn ay kasoo gaadheen Sabtidii hore.

David Alaba oo la filayay in uu taam u noqdo ciyaartan ayaa wali maqan, waxaana uu Carlo Ancelotti kala dooran doonaa Ferland Mendy iyo Aurelien Tchouameni midkooda uu ka garab ciyaarsiinayo Antonio Rudiger.

Shirkii jaraa’id ee shalay ayuu Ancelotti ka sheegay, in labada dookh ee uu haysto ay yihiin Mendy iyo Tchouameni, halka difaaca bidixna uu kala dooran doono Aduardo Camavinga iyo Fran Garcia.

David Alaba ayaa sidoo kale laga reebay xulka qarankiisa Austria oo aanu u raaci doonin kulamada caalamiga ah, waxaana uu sii joogi doonaa Santiago Bernabeu oo uu kaga soo kaban doono dhaawacyada.

Waxa kale oo ay Real Madrid rajaynaysaa in ay dhamaadka bishan dib u heli doonto dheemanka reer Turkey ee Arda Guler halka Eder Militao iyo Thibaut Courtois ay xilli-ciyaareedka oo dhan maqnaanayaan.

Real Madrid ayaa waxay maanta garoonka Santiago Bernabeu ku martigelin doontaa Osasuna, waana kulanka sagaalaad ee horyaalka ee xilli-ciyaareedka, waxaanay u baahan yihiin guul si ay usii haystaan hoggaanka.

Liiska ciyaartoyda Brazil ee kulanka Osasuna
Goolhayeyaal:
 Lunin, Kepa, Diego Piñeiro.
Difaacyahanno: Carvajal, Lucas V., Fran García, Rüdiger, Mendy, Carrillo.
Khadka Dhexe: Bellingham, Kroos, Modrić, Camavinga, Valverde, Tchouameni, Ceballos.
Weerarka: Vini Jr., Rodrygo, Joselu, Brahim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*