DEG-DEG: Afar Ciyaartoy Oo PSG Ah Lagu Ganaaxay QOWMU-LUUD


Afar ciyaartoy oo kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ah ayaa ganaaxyo lagu riday, kaddib markii ay ku heeseen hees lagu sheegay cunsuriyad, sida uu shaaciyey xidhiidhka kubadda cagta waddanka Faransiiska.

Intii ay socotay ciyaartii horyaalka Ligue 1 ee bishii hore ee Marseille ee ka dhacday garoonka Parc des Princes, taageereyaasha PSG ayaa la maqlayay iyaga oo ku dabbaal-degaya dhawaaqyo lagu bahdilayo ragga isku taga ee sameeya ficilladii Qowmu-luudka.

Taageereyaasha iyo ciyaartoyda PSG ayaa la sheegay in ay ku tilmaameen Qowmu-luud, waxaana taas baadhitaan ku sameeyey xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska oo ugu dambayntii afar ciyaartoy oo kooxda ah oo qayb ku lahaa dhawaaqyadaas ku riday ganaax.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, ciyaartoyda PSG ayaa qaarkood ay qayb ka noqdeen heesta, waxaana ay kasoo muuqdeen shaashada, taas oo keentay in min hal ciyaar laga mamnuuco ciyaartoydaas.

Afarta ciyaartoy oo kala ah Achraf Hakimi, Ousmane Dembele, Randal Kolo Muani iyo Layvin Kurzwaa ayaa laga ganaaxay hal kulan oo ay kooxdaasi ciyaari doonto.

Paris Saint-Germain ayaa dhinaceeda soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay in xidhiidhka kubadda cagta Faransiisku uu ku riday ciqaab iyo ganaax xad-dhaaf ah iyadoo la iska indho-tirayo sida dhow ee ay kooxdu ugala shaqayso ladagaallanka dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*