“Way Iga Cadhaysiinaysaa In Markii Labaad Ay Dhaawacmeen…” Jurgen Klopp Oo Ka Qiirooday Dhaawacyada Laba Ciyaartoy Oo Kooxdiisa Ah


Liverpool ayaa rajaynaysa in ay dib u hesho Cody Gakpo oo uu dib ugu soo laabto ka hor ciyaarta Brighton ee Axadda, laakiin waxa dib u dhaawacmay Thiago Alcantara oo muddo kale sii maqnaan doona.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey, in Thiago Alcantara aanu garoomada iman doonin illaa inta laga soo noqonayo kulamada caalamiga ah ee bishan October, sidoo kalena Bajcetic ayaa dhaawac cusub oo soo gaadhay muddo kale u jiifaya.

Thiago Alcantara oo ka maqnaa garoomada tan iyo bishii April ee horraantii sannadkan, isla markaana qalliin lagu sameeyey bishii May, ayaa ay ugu dambaysay ciyaar uu ugu soo bilowdo kooxdiisa bishii February kulan ay guul-darro 3-0 ah kala kulmeen Wolves.

Tababarka ayaa uu kusoo laabtay bishii August, waxaana la filayay in uu bishii hore diyaar u noqdo in uu mar kale kooxdiisa u dheelo, balse waxa soo gaadhay dhaawac kale oo dib u dhigay.

Laacibka da’da yar ee Stefan Bejcetic oo bishii hore ciyaaray dhawr kulan kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac soo gaadhay bishii March oo qalliin u raacay, ayaa uu tababare Klopp ka hadlay maanta.

Shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Brighton, ayaa lagu weydiiyey xaaladda dhaawacyada, waxaana uu Klopp yidhi: “Aniga ciyaartoyga kaliya ee iga cadhaysiinaya waa Thiago Alcantara oo markii labaad ay dib u dhacday soo kabashadiisu. Ma aha mid weyn laakiin waa dhaawac kale oo dibedda ka dhigay garoonka mar kale.

“Waxa kale oo iga cadhaysiinaya Stefan Bajcetic oo isaga oo nala jooga wax dareemay. Cody Gakpo waa uu fiican yahay, fursadda uu kusoo laabanayana way fiican tahay.”

Ka sokow Thiago Alcantara, Gakpo iyo Bajcetic, waxa Liverpool aanay heli doonin oo ganaaxyo kaga maqnaanaya kulanka Brighton ee Axadda labada ciyaartoy ee Curtis Jones oo casaan qaatay kulankii Tottenham, isla markaana saddex ciyaarood maqnaanaya iyo Diogo Jota oohal kulan maqnaan doona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*