DEG-DEG: Premier League Oo Isbeddel Ku Sameeyey Shaqada VAR


Maamulka horyaalka Premier League ayaa shaaciyey isbeddel weyn oo ay ku sameeyeen VAR iyo shaqadiisa ka hor kulamada toddobaadkan iyaga oo ka duulaya dhacdadii fadeexadda ahayd ee kulankpii Liverpool iyo Tottenham ee toddobaadkii hore.

Dhegaysiga codadkii laga duubay kulankii Tottenham iyo Liverpool ayaa soo bandhigay isla-tashi la’aan iyo in qofba sida uu doono uu go’aanka u qaato, iyadoo mararka qaarkood la moodayay in aanay isla haysanin.

Liverpool ayaa dalbatay in lagu celiyo ciyaartii Tottenham oo laga diiday gool sax ah, iyadoo VAR aanay shaqadeeda qabsanin, waxaase raalligelin laga siiyey wixii ka dhacay ciyaartaas oo sidoo kalena ganaaxyo lagaga riday laba ciyaartoy oo casaan ka qaatay iyo si guud oo naadiga loo saaray ganaax.

Premier League ayaa goordhoweyd war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay, in ay isbeddel badan ku sameeyeen qaabka shaqo ee VAR si looga badbaado in ay soo laabato dhacdadii Liverpool oo kale.

Garsooraha VAR ayaa lagu amray in go’aanka uu gaadhayo ay marka hore isla meel-dhigaan gacan-yarihiisa, ka hor inta aanay usoo sheegin garsooraha dhexe ee ciyaarta, taas oo la sheegay in ay meesha ka saarayso murug yimaadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*