“Ilmo Ayaa Igu Soo Istaagtay” – Wixii Maanta Ka Dhacay Garoonka Tababarka Man United Ee Ka Ilmaysiiyey Jamaahiirta Kooxda


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku farxay wixii ay maanta ku arkeen garoonka tababarka kooxdooda ee kooxdooda, kaddib markii ay arkeen muuqaalka ciyaartoydii maanta tababarka samaysay.

Red Devils oo laga badiyey labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada oo waliba lagu garaacay Old Trafford, ayaa waxay Sabtida la ballansan tahay Brentford, waana ciyaar adag oo ay qasab tahay in Red Devils ay guul ka keento, si ay uga degaan culaysyada badan ee saaran tababare Erik ten Hag.

Saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Manchester United ma aanay haysanin difaac bidix, waxaana uu tababare Erik ten Hag booskaas geeyey Sofyan Amrabat, maadaama ay dhaawacnaayeen Sergio Rerguilon, Luke Shaw iyo Tyrell Malacia.

Difaaca reer Spain ee Sergio Reguilon ayaa maanta dib ugu soo noqday garoomada oo uu dhaawac kaga maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana la filayaa in uu buuxiyo booska ay ugu baahida badan tahay kooxdu waqtigan.

Erik ten Hag ayaa sheegay, in uu Reguilon taam yahay oo uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulankan, kaddib tababarka, waxaanay taasi keentay in taageereyaashu ay kaga falceliyaan baraha bulshada.

“Haa!!!!!!! Ilmo ayaa indhahayga kusoo istaagtay 😭” Sidaa waxa soo qoray mid ka mid ah taageereyaasha Manchester United oo daawaday tababarkii maanta ee Sergio Reguilon.

Mid labaad ayaa isaguna qoraal ku yidhi: “Cajiib.”

“Ugu dambayntii Amrabat ayaa ka ciyaari doona khadka dhexe, berri ayuu bilaabmi doonaa rikoodhka guul-darro la’aanta ee garoonkyagu.” Ayuu taageere kalena yidhi,

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa waxay Sabtida la ciyaari doontaa Brentford, waxaanay halgan adag u geli doonaan in aan lagaga badinin garoonkooda oo laba ciyaarood oo hore oo xidhiidh ahaa lagu garaacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*