Paul Pogba Oo AFAR Sannadood Laga Mamnuucayo Kubadda Cagta Kaddib Baadhitaan Maanta Lagu Sameeyey


Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa lagu qasbayaa in uu gebi ahaanba ka fadhiisto kubadda cagta, kaddib markii lagu helay in uu isticmaalay maandooriye kordhiya awoodda oo mamnuuc ka ah ciyaartoyda, waxaana la qorsheeyey in lagu rido ganaax afar sannadood ah.

Juventus ayaa mar horeba soo bandhigtay qorshaheeda ah in ay ka fiirsanayso in ay burburiso heshiiska Paul Pogba oo toddobaadkii ay mushahar u siiyaan £130,000 Gini.

30 jirka reer France ayaa bishii hore ciyaaraha laga joojiyey markii baadhitaan lagu sameeyey lagu helay in jidhkiisa ay ku jirto maaddo mamnuuc ah oo aan loo ogolayn ciyaartoyda, waxaana mar labaad lagu sameeyey baadhitaan ay natiijadii kasoo baxdayna noqoto in ay xaqiiqo tahay isticmaalka maaddadan.

Wararka ka imanaya Talyaaniga ayaa sheegaya, in Juve ay miiskeeda saaran tahay in ay iska diraan laacibkan oo aanu kusii jirin liiska ciyaartoydeeda oo usbuucyada soo socda ay go’aanka shaacin doonaan.

Baadhitaanka oo la sameeyey ciyaartii koowaad ee horyaalka Serie A ee Udinese, ayaa la sheegay, in guddida la dagaallanka maandooriyeyaasha iyo daawooyinka ka mamnuuca ah ciyaartoydu ay ku ridayaan ganaax afar sannadood ah.

Hore waxa loo sheegay, in muddo laba sannadood ah la ganaaxi doono, balse hadda waxa ganaaxu uu noqon karaa illaa afar sannadood taas oo ka dhigan in laacibkan uu ku qasban yahay in uu ka fadhiisto kubadda cagta maadaama ay da’diisu noqon doonto 34 jir marka uu ganaaxu ka dhamaanayo, waqtigaasna ay adag tahay inuu dib ugu soo laabto garoomada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*