DEG-DEG: Toni Kroos Oo Dib Ugu Laabtay Jarmalka


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos ayaa shaaciyey go’aan weyn oo uu ka qaatay mustaqbalkiisa, kaas oo si weyn uga farxiyey taageereyaasha xulka qarankiisa Germany ee martigelinaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Toni Kroos ayaa ku dhawaaqay inuu dib ugu soo laabtay ciyaaraha caalamiga ah oo uu xulka qarankiisa u dheeli doono tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ee kasoo horreeya.

34 jirkan oo ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah sannadkii 2021 kaddib markii uu xulkiisu si niyad-jab ah kaga hadhay tartankii UEFA Euro 2020, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Instagram waxa uu ku yidhi: “Waxa aan mar kale u ciyaari doonaa xulka Germany bisha March. Waayo? Sababtoo ah waxa iga codsaday tababaraha, anigana waxa igu jira damacaas, waxaanan hubaa in xulka qaranka Germany ay hadda u dhow yihiin in ay ku guuleystaan koobka qaramada Yurub, waxaanan aaminsanahay in ka badan intii hore.”

Hadal-haynta ah in Toni Kroos uu kusoo laabanayo xulka qaranka Germany ayaa bilaabantay December 2023, waqtigaas oo uu tababare Julian Naglesmann uu albaabada u furay in laacibkan, laakiin halyeeyadii hore ee xulka Germany ee Lothar Matthaus oo u qaaday Koobkii Adduunka 1990kii, iyo Markus Babbel oo 1996kii u qaaday tartanka qaramada Yurub ayaa kasoo horjeedsaday.

Toni Kroos oo ahaa mishiinnadii xulka Germany u qaaday Koobkii Adduunka 2014, ayaa soo-laabashadiisu ay wax weyn kusoo kordhinaysaa xulka Germany, waxaana la xaqiijiyey in tababare Julian Nagelsmann uu ugu yeedhi doono ciyaaraha saaxiibtinimo ee bisha March ee foodda inagu soo haysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*