Michael Owen Oo Magacaabay Xiddigii Sababta U Ahaa Guul-darradii Arsenal Ee Champions League


Halyeyga Liverpool ee Michael Owen ayaa magacaabay ciyaartoygii sababta u ahaa guul-darradii xalay ay Arsenal kala soo kulantay FC Porto lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, taas oo gool madi ah oo laga dhaliyey waqti dambe ay Gunners guul-darro ugula soo laabatay hoygeeda.

Arsenal oo ahayd kooxda inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa waxa goolka lagaga dhaliyey qalad ka yimid Gabriel Martinelli oo kubbad uu bixin karayey ka xaasiday ciyaartoyda kale ee kooxdiisa, waxaana laga boobay kubaddaas oo uu gool u beddelay Galeno daqiiqaddii afraad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta

FC Porto ayaa meel fog ka tooganaysay goolka, taar ahaan Galeno oo ahaa laacibka shabaqa soo taabtay, isla markaana birta garaacay qaybta hore.

Goolhaye David Raya ayaa 25 tallaabo kasoo baxay goolka kooxdiisa markii lagu tooganayay kubadda, waxaana Michael Owen oo ka hadlayey qofkii lahaa qaladka goolkaas uu canaanta oo dhan dusha ka saaray goolhayaha reer Spain.

Michael Owen oo ka hadlayey telefishanka TNT Sports ee hore loogu yaqaanay BT Sports, ayaa yidhi: “Marka aad daawato goolkaas, iyo sidii ay kubaddu u dhalatay waxa aad u arkaysaa in aanu goolhayuhu halkaa joogin oo uu qalad sameeyey.

“Waxa uu sameeyey qalad aad iyo aad u weyn, waxaana looga baahnaa inuu sameeyo si ka wanaagsan taas.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*