LABADA Shaxood Ee Ay Real Madrid Ku Qabsanayso Adduunyada Xilli-ciyaareedka Dambe


Kylian Mbappe ayaa la filayaa in heshiiskiisa ay ku dhawaaqo Real Madrid usbuucyo kaddib, sidoo kalena ay PSG u samayso sagootin weyn oo ay kusii macasalaamaynayso xiddigeeda ugu weyn waqtigan ee ay awoodi waayeen inay ku qanciyaan inuu sii joogo Parc des Princes.

25 jirkan ayaa la warinayaa inuu heshiis la galay Real Madrid oo hadda ay waxyaabo yaryar oo ay dhinacyada oo dhan ogol yihiin ka hadhsan yihiin heshiiska labada dhinac. Waxa uu sannadkii mushahar u qaadan doonaa £13 milyan oo Gini, hase yeeshee Real Madrid ayaa jeebadda ugu shubi doonta £128 milyan oo Gini oo ah lacagta xaqal saxeexa heshiiska.

Marka heshiiska la dhamaystiro, waxa uu Kylian Mbappe xilli-ciyaareedka dambe gacanta u geli doonaa tababare Carlo Ancelotti oo hoggaamin doona koox xiddigo waaweyn ku midaysan yihiin oo guulo waaweyn rajaynaysa.

Los Blancos oo xagaagii tegay soo iibsatay Jude Bellingham oo isbeddel ku sameeyey khadkeeda dhexe, ayaa waxa kale oo ay doonaysaa difaaca bidix ee Bayern Munich ee Alphonso Davies oo muddo dheer bartilmaameed u ahaa, halka goolhaye Thibaut Courtois uu si lama filaan ah ugu soo laabtay tababarka isaga oo kasoo kabanaya dhaawac jilibka ahaa oo la filayey inuu u jiifo xilli-ciyaareedka oo dhan.

Hadal-haynta ayaa waxay hadda tahay sida ay noqon doonto shaxda Real Madrid ee xilli-ciyaareedka dambe, iyadoo waliba uu Santiago Bernabeu kusoo waajahan yahay dheemanka reer Brazil ee Endrick Felipe oo isaguna doonaya boos uu ka ciyaaro.

Shaxda 1aad

Thibaut Courtois ayaa noqon doona ciyaartoy lama taabtaan ah oo booskiisa ilaashada, halka difaacyada labada dhinac la filayo inay noqdaan Dani Carvajal iyo Alphonso Davies oo booska ka riixan doona Ferland Mendy iyo Fran Garcia oo labada midkood uu ka tegi doono kooxda.

Difaaca dhexe, waxay u badan tahay inay ka wada ciyaari doonaan Eder Militao iyo David Alaba oo labaduba dhaawacyo waqti dheer ah ku maqan hadda, laakiin warbaahinta ayaa saadaalinaysa in difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo lala xidhiidhinayo Real Madrid ay suurtogal tahay inuu yimaaddo.

Khadka dhexe ayaa isbeddel uu ku iman doonaa, waxaana ka baxaya ruug-caddaaga Luka Modric oo kooxda ka tegi doona, halka ay yaraan doonto fursaddiisu oo laga doorbidi doono ciyaartoyda da’yarta ah.

Waxa booska khadka dhexe ku midoobaya Eduardo Camavinga, Jude Bellingham iyo Fede Valverde, halka Aurelien Tchouameni iyo Toni Kroos ay beddel sugeyaal ka noqonayaan shaxda koowaad.

Weerarka ayaa waxa iska garab ciyaari doona Kylian Mbappe oo No.9 toos ah ka dheeli doona iyadoo ay garbaha ka xigayaan labada da’yar ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes, waxaana kaydka u fadhiyaya Joselu oo la filayo in Real Madrid ay rasmi u beddesho heshiiskii amaahda ahaa ee ay kagala soo wareegtayo Espanyol maadaama uu bandhig fiican sameeyey oo uu dhaliyey siddeed gool. Waxa kale oo kaydka fadhiisan doona inta uu khibrad helayo saxeexa cusub ee reer Brazil ee Endrick oo xagaaga soo gaadhi doona Santiago Bernabeu.

Shaxda labaad

Weerarka ayaa waxa ka baxaya Rodrygo Goes, waxaana Kylian Mbappe iyo Vincius Junior dhaxdooda gelaya Endrick oo xagaaga soo gaadhi doona Madrid marka ay da’diisu noqoto 18 jir.

Khadka dhexe ayaa waxa sidoo kale soo gelaya Aurelien Tchouameni oo booska ka riixanaya Eduardo Camavinga, halka difaaca dhexena uu soo gelayo Antonio Rudiger.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*