Rio Ferdinand Oo Magacaabay 11ka Ciyaartoy Ee Ugu Fiican Adduunyada Waqtigan


Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand  ayaa xushay 11 ciyaartoy oo uu ku tilmaamay kuwa kaliya ee ‘heerka caalami ah’ ee waqtigan ka ciyaara horyaallada kala duwan ee Yurub, kuwaas oo siddeed ka mid ah ay ka ciyaaraan horyaalka Premier League.

Rio Ferdinand ayaa waxa uu taxay liiska ciyaartooyo uu ku sheegay inuu u tixgeliyo ‘kuwo heer caalami ah’ oo ka sarreeya ciyaartoyda kale, waxaana ku jira laba goolhaye iyo laba difaac, halka khadka dhexena uu saddex ciyaartoy oo kaliya ka dhigay iyo inta kale oo afka hore ee weerarka ah.

Difaacan hore ee Manchester United oo xalay ka hadlayay telefishanka TNT Sport kaddib ciyaartii Champions League ee FC Porto ay 1-0 kaga adkaatay Arsenal lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, ayaa waxa uu mar kale ku celiyey in garabka weerarka reer England ee Bukayo Saka aanu ahayn ciyaartoy heer caalami ah.

“Waxay ila tahay, in Jude Bellingham uu yahay ciyaartoy ay tahay in su’aal la geliyo, laakiin dabcan waxa uu ku jiraa qaab fiican, waxaanu hadda bandhig fiican ka samaynayaa Real Madrid.” Ayuu yidhi Rio Ferdinand.

Waxa uu intaa ku daray: “Laakiin haddii aad eegto Bukayo Saka, waxa uu ahaa ciyaartoyga sannadka ee England labadii sannadood ee ugu dambeeyey, Bellingham na uma aanu muuqannin.”

Rio Ferdinand waxa uu Bukayo Saka iyo Jude Bellingham ba u diiday inay soo galaan liiska ciyaartoydiisa 11ka ah ee uu u doortay kuwo heer caalami ah, waxaana uu ugu horreysiiyey labada goolhaye ee reer Brazil ee Ederson iyo Alisson Becker, iyadoo uu Kyle Walker iyo Virgil van Dijk ka dhigay labada difaac ee heerka caalami ah.

Khadka dhexe ayuu xiddigaha Manchester City ee Rodri iyo Kevin De Bruyne u doortay, halka inta kalena uu u xushay Vincius Jr, Kylian Mbappe, Erling Haaland, Mohamed Salah iyo Harry Kane.

Waa kuwan 11ka ciyaartoy ee heerka caalami ah ee uu xushay Rio Ferdinand:

1. Ederson – Manchester City

2. Alisson – Liverpool

3. Kyle Walker – Manchester City

4. Virgil van Dijk – Liverpool

5. Rodri – Manchester City

6. Kevin De Bruyne – Manchester City

7. Vinicius Junior – Real Madrid

8. Mohamed Salah – Liverpool

9. Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain

10. Erling Haaland – Manchester City

11. Harry Kane – Bayern Munich

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*