Miyuu Mohamed Salah Taam U Noqon Doonaa Finalka Carabao Cup Ee Liverpool vs Chelsea Ee Axadda?


Xiddiga reer Masare ee Mohamed Salah ayuu shaki ku jiraa inuu ciyaari doono finalka Carabao Cup ee ay kooxdiisa Liverpool iyo Chelsea ku ballansan yihiin maalinta Axadda, halkaas oo Reds ama Blues ay midkood ku guuleysan doonto koobkeedii koowaad ee xilli-ciyaareedka.

Mohamed Salah oo toddobaadkan horraantiisii kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii xulka qarankiisa ee Qaramada Afrika ee bishii January badhtamaheedii, ayaa beddel kusoo galay daqiiqaddii 44aad ee ciyaartii Brentoford ee Sabtidii, markaas oo uu beddelay Diogo Jota oo dhaawacmay.

Laakiin Mohamed Salah ayaa awoodi waayey in uu tababarka yimaaddo maalmihii ka dambeeyey ciyaartaas, waxaanu sidoo kale ka maqnaaday kulankii horyaalka Premier League ee Luton Town ay xalay Liverpool 4-1 ku karbaashtay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in Mohamed Salah uu dareemay daal badan kaddib ciyaartii Gtech Community Stadium ee Sabtidii, isla markaana ay xaaladdiisa ula socon doonaan si maalinle ah.

Haddii Mohamed Salah uu kaliya daal dareemayay, waxa ku filnayd in la nasiyo laba maalmood, waxaanu awoodi lahaa inuu ciyaaro kulankii Luton oo uu isagana ka maqnaaday, taas oo sii kordhisay shakiga dhaawaciisa.

Liverpool oo ay sidoo kale dhaawacyo kaga maqan yihiin Alisson Becker, Trent Alexander-Arnold iyo Curtis Jones, ayaan hubin inuu Salah diyaar u noqon doono kulanka Chelsea ee finalka Carabao Cup, laakiin waxay rajo weyn ka qabaan in isaga iyo Darwin Nunez oo muruqa ka cabaaya ay dib ugu soo laaban doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*