LIXDA Ciyaartoy Ee Bayern Munich Ku Qasbay Inay Shaqada Ka Caydhiso Thomas Tuchel Oo La Ogaaday


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich waxay maalin ka hor shaacisay inuu ka tegayo tababare Thomas Tuchel dhamaadka xilli-ciyaareedka, sidaasna ay ku heshiiyeen kaddib markii ay kooxdaasi isku xigsiisay saddex guul-darro oo xidhiidh ahaa oo kasoo kala gaadhay kooxaha Bayer Leverkusen, Lazio iyo Bochum.

Tuchel oo tababaraha Munich loo magacaabay March 2023 isaga oo beddelay Julian Nagelsmann, ayaa waqtigiisu uu kusoo dhamaan doonaa muddo sannad ah inkasta oo uu heshiis dhawr sannadood ah u saxeexay kooxdaas.

Ka sokow guul-darrooyinka, tababare Thomas Tuchel ayaa waxa uu lumiyey kalsoonida lix ciyaartoy oo muujiyey in aanay ku faraxsanayn in uu macallinkooda sii ahaado, isla markaana loo baahan yahay in shaqada laga caydhiyo.

Sida uu qoray wargeyska BILD ee kasoo baxa waddanka Germany, ciyaartoyda kala ah Thomas Muller, Joshua Kimmich, Leon Goretzka, Matthijs de Ligt, Mathys Tel iyo Serge Gnabry ayaa dhamaantood kasoo horjeedsaday tababarhan ay isku waddanka yihiin.

Warka ayaa intaa ku daray, in Kimmich iyo Goretzka aanay fahamsanayn sababta ay Bayern Munich u qaadatay go’aankii ay Julian Nagelsmann u eriday ee ay ugu beddeshay Thomas Tuchel.

Ciyaartoyda intooda kale, sida Jamal Musiala iyo Leroy Sane ayaa la sheegay inay ku faraxsan yihiin in tababare Thomas Tuchel uu sii hoggaamiyo naadigooda, waxaana la mabda’ ah xiddigaha reer England ee Harry Kane iyo Eric Dier.

Goolhayaha ruug-caddaaga ah ee Manuel Neuer ayaa isagu si cad u taageeray tababare Thomas Tuchel oo isaguna garabkiisa istaagay waqtigii uu dhaawaca halista ah galay goolhayahani.

Si kastaba ha ahaatee, Jan Christian Dreesen oo ah guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay, in ay go’aamiyeen in Thomas Tuchel uu ka tago kooxda, isla markaana ay samayn doonaan isbeddello badan oo sal illaa baar ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*