Chelsea Oo Lagu Qasbayo Inay Iibiso SADDEX Ciyaartoy Haddii Ay Axadda Ku Guuleysato Koobka Carabao Cup


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu qasbi doonaa inay iibiso saddex ka mid ah ciyaartoydeeda haddii ay ku guuleysato koobka Carabao Cup ee Axadda ay finalka ku ballansan yihiin Liverpool, waxaana sidaas dhigaya isbeddel lagu sameeyey sharciga.

Chelsea ayaa tegaysa finalkii ugu horreeyey ee uu Mauricio Pochettino ku hoggaamiyo, waxaanay isku dayi doonaan inay ka aargoostaan Liverpool oo finalkii 2022 ee Carabao Cup rikoodheyaal kaga badisay.

Chelsea oo intii ay mulkiyaddeeda la wareegeen Todd Boehly iyo shirkadda Learlake Capital bishii May 2022 ku kharash garaysay ciyaartooyo cusub lacag ka badan £1 bilyan oo Gini, ayaa waxa ay ka hor tegayaan Liverpool oo sannadkan afar koob ku tartamaysa, isl amarkaana markii tobnaad doonaysa inay qaadato Carabao Cup.

Haddii ay Chelsea awood u yeelato inay iska celiso Liverpool oo ay koobka ku guuleysato, waxay taasi keeni doontaa in Blues ay iibiso saddex ka mid ah ciyaartoydeeda da’yarta ah.

Sharciga ayaa dhigaya, in koobka ku guuleysata Carabao Cup ay xilli-ciyaareedka dambe usoo baxayso tartanak Europa Conference haddii ay ka hoosayso boosaska loogu soo gudbayo tartamada UEFA, waxaase Chelsea laga doonayaa inay u hoggaansanto shuruucda UEFA oo ay hesho liisanka caddaynaya in aanay wax dembi ah samaynin oo aanay jabinin sharciga dhaqaalaha, taas oo ay adag tahay inay xaqiijiso.

UEFA ayaa sannadkii 2022 waxay soo saartay sharci cusub oo ah in kooxda kasoo qayb-gelaysa tartamadeedu ay caddayso in aanay wax sharci-jabin dhinaca dhaqaalaha ah samaynin, isla markaana aan gelin khasaare ka badan £68.5 milyan oo Gini ka hor xilli-ciyaareedka 2024-25, iyadoo dib loogu noqonayso miisaaniyadda labadii sannadood ee 2022-23 iyo 2023024.

Sida ku cad xisaabaha Chelsea, waxay kooxdani khasaartay lacag ka badan £68.5 milyan oo Gini labadii sannadood ee tegay, halka saddexdii sannadood ee ugu dambeeyeyna ay diiwaangeliyeen £105 milyan oo Gini oo khasaare ah, taas oo keeni doonta in loo diido inay kasoo qayb-galaan Europa Conference League, laakiin waxay ku badbaadayaan haddii ay iibiyaan saddex ciyaartoy.

Waxa la hadal hayaa Ian Maatsen oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo £35 milyan oo Gini, Conor Gallagher oo sannad uu ka hadhsan yahay heshiiskiisa iyo Armando Broja oo ay amaah ku bixiyeen bishii January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*