Kooxaha Premier League Ee Ku Dagaallamaya Osimhem, Zidane Oo La Magacaabayo, Tuchel Oo Kusoo Laabanaya Ingiriiska, Salah Oo Ka Tegaya Liverpool Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Chelsea ayaa uga hormaraysa Arsenal saxceexa weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo ay kooxdiisa Napoli shaacisay in uu dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doono. (Teamtalk)

Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel wuxuu doonayaa in uu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League marka uu dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tago kooxda reer Germany. (Telegraph)

Jurgen Klopp ma noqon doono tababaraha cusub ee Bayern Munich ee beddelaya Tuchel marka uu ka tago Anfield dhamaadka xilli-ciyaareedka. Sidoo kale ma tegi doono Barcelona, sida uu wakiilkiisu shaaciyey. (Sky Sport)

Bayern Munich ayaa Liverpool kila tartami doonto tababaraha reer Spain ee Xabi Alonso oo kooxdiisa Bayer Leverkusen ka dhigay naadiga hoggaaminaya horyaalka Bundesliga isaga oo aan halmar laga badinin xilli-ciyaareedka oo dhan. (Guardian)

Tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa kusoo laaban doona saaxadda tababarenimada xilli-ciyaareedka dambe, waxaana loo badinayaa inuu laylin doono Bayern Munich. (Sport)

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo 37 jir ah, ayaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegaya AC Milan, waxaanu u dhaqaaqi doonaa horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS. (Corriere dello Sport)

Chelsea waxay diyaar u tahay inay dhegaysato haddii dalabyo laga soo gudbiyo goolhayaheeda Robert Sanchez oo dhaawac kaga maqan, waxaanay doonayaan inay iibiyaan. (Football Insider)

Blues ayaase albaabka ka xidhanaysa kooxaha Paris Saint-Germain iyo Liverpool oo ka doonaya difaaca reer England ee Levi Colwill. (Standard)

Khadka dhexe ee Real Madrid ee Luka Modric ayaa ka tegi doona kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka. 38 jirkan ayaa soo afjaraya muddo 13 sannadood ah oo uu xidhnaa shaadhka Los Blancos. (Bild)

Weeraryahanka reer France ee Kylian M bappe oo 25 jir ah, waxa uu mushahar dhimis weyn u sameeyey Real Madrid oo la filayo in maalmaha soo socda ay dhamaystirto heshiis ay si xor ah ugala soo wareegayso PSG. (Sky Sports)

Kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad waxay doonaysaa weeraryahanka Tottenham iyo xulka South Korea ee Son Heung-min iyo garabka Liverpool iyo xulka Masar ee Mohamed Salah, marka uu furmo suuqa xagaaga. (Football Insider)

Manchester United iyo Arsenal ayaa xiisaynaya 18 jirka Bayern Munich ee Mathys Tel oo afka hore ka ciyaara. Erik ten Hag iyo Mikel Arteta ayuu mid walba doonayaa inuu safkiisa kusoo kordhiyo. (Bild)

Liverpool waxay rajaynaysaa inay la saxeexan doonto 18 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Palmeiras ee Luis Guilherme oo u dhashay Brazil. (Football Insider).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*