Jurgen Klopp Oo Shax Diciif Ah Kusoo Galay Kulanka Luton Town


Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ayuu midkoodna taam u noqoin waayey kulanka Luton Town, waxaana uu Jurgen Klopp ku qasbanaaday inuu weerarka ku mideeyo Cody Gakpo, Luis Diaz iyo Harvey Elliott, halka difaaca dhexena uu ka baxay Ibrahima Konate oo lagu beddelay Jarrod Quansah.

Jurgen Klopp ayaa isbeddello badan u sameeyey safkiisa ay dhaawacyadu ragaadiyeen, waxaana aan garoonka joogin xiddigihii ciyaaray kulankii Brentford ee Diogo Jota oo dhawr bilood garoomada ka maqnaanaya, Mohamed Salah oo lagu beddelay kulankaas oo dib ugu laabtay dhaawac iyo Darwin Nunez oo isaguna dhaawac ah, halka Curtis Jones oo khadka dhexe ka ciyaarayay kulankaas uu isaguna muddo jiifayo.

Goolhaye Alisson Becker oo dhaawac muruqa ah u jiifa ayaa waxa booskiisa ka faa’iidaystay Kelleher, halka difaaca midig uu ka dheelayo da’yarka Conor Bradley iyadoo dhinaca bidixna la geeyey Joe Gomez oo isaguna beddelay Andy Robertson.

Reds ayaa waxa kale oo dhaawacyo kaga maqan Trent Alexander-Arnold, Dominik Szoboszlai, Thiago Alcantara, Stefan Bajcetic iyo difaaca dhexe ee jilibka ka jabay ee Joel Matip.

Shaxaha rasmiga ah ee Liverpool kula ciyaarayso Luton Town

Liverpool XI: Kelleher; Bradley, Quansah, Van Dijk, Gomez; Endo, Mac Allister, Gravenberch; Elliott, Gakpo, Diaz.

Kaydka: Adrian, Konate, Tsimikas, Robertson, Clark, Gordon, McConnell, Danns, Nyoni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*