Liverpool Oo Guul Soo-laabasho Ah Kusii Dheeraysatay Hoggaanka Horyaalka Premier League


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa afar dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay 4-1 ku karbaashtay Luton Town oo gool kala hormartay, taas oo ay 35 daqiiqadood kaga takhaluseen.

Liverpool oo qaybtii hore burbursanayd isla markaana ay taageereyaasheedu wadnaha farta ku hayeen ayaa laga dhaliyey gool ay u muuqdeen in aanay kasoo laabanayn, hase yeeshee afar ciyaartoy ayaa min hal gool u dhaliyey qaybtii labaad.

Jurgen Klopp oo ay kooxdiisa burburiyeen dhaawacyo tiro badan oo dibedda ka dhigay ciyaartooyo muhiim ah, ayaa waxa ay ku bilowdeen si liidata oo khadka dhexe iyo weerarkuba aanay shaqaynayn, iyagoo fursadaha ay helaanna ay Luis Diaz iyo Cody Gakpo u laadayey meelo aanu goolkuba ka xigin.

Daqiiqaddii 12aad ee bilowga ciyaarta ayay Luton Town la timid gool gilgilay Anfield oo ku qasbay Jurgen Klopp inuu foorsado isaga oo afka kala qaadaya.

Luis Diaz ayaa laba kubbadood oo uu ula tegay goolhayaha Luton ee Kaminski uu nasiibku diiday, iyadoo midkood uu ku beegay goolhayaha oo ka badbaadiyey, halka midka kalena uu dhinac mariyey birta.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay ciyaartu maraysay daqiiqaddii 56aad ayaa Liverpool ay keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Van Dijk oo shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Alexis Mac Allister.

Laba daqiiqadood kaddib ayay ciyaartu noqotay 2-1, waxaana gool labaad oo degdeg ahaa u dhaliyey Cody Gakpo oo isagana uu hadiyad u hibeeyey Mac Allister.

Ciyaarta ayaa noqotay mid dhinac kaliya ka socota oo ay maamulayso Liverpool oo cidhiidhi gelisay Luton Town oo tamarteedu ku dhamaatay qaybta hore.

Luis Diaz ayaa ugu dambayntii ka baxay goolal la’aanta isla markaana uu shabaqu ogolaaday, waxaana kubbad uu ka helay Andy Robertson uu usii gooyey difaaca kaddibna waxa uu ula tegay goolhaye Kaminski oo uu dhinaca ka dhigay, sidaana ciyaarta kaga dhigay 3-1.

Goolka afraad ee Liverpool ayaa yimid daqiiqaddii 90aad ee ciyaarta, markaas oo kubbad ay difaacu ka joojiyeen Gakpo uu xerada ganaaxa ka helay Harvey Elliott oo darbad xooggan weydaariyey goolhayaha oo soo baxsanaa.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay hoggaanka horyaalka ku hayso 60 dhibcood, halka Manchester City oo labaad ku jirta ay haysato 56 dhibcood iyo Arsenal oo kaalinta saddexaad ku haysata 55 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*