Manchester United Oo Sabab U Noqonaysa In Premier League Uu Waayo Boos Champions League Ah


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa halis ugu jira in loo diido in ay helaan koox dheeraad ah oo usoo baxda tartanka Champions League ee tirada kooxaha kasoo qayb-gelaya la kordhinayo xilli-ciyaareedka dambe.

Tartanka Champions League ayaa tirada naadiyada kasoo qayb-gelaya laga dhigi doonaa 36 kooxood halka ay hadda ka yihiin 32 naadi, waxaana isbeddelkan hore u shaaciyey xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.

Afarta kooxood ee lagu soo kordhinayo tartanka Champions League ayay UEFA hore u qeexday sida ay ku imanayaan, waxaana hal koox yeelanaya dalka uu tago Champions League ee ay kooxihiisu ku guuleystaan, halka kaalinta labaad ay ku sallaysnaan doonto qiimaynta naadiyada Yurub ee bandhigga xilli-ciyaareedkii hore, siiba sida ay kooxuhu ugu tartamaan amaba iskugu dhibco dhow yihiin figta sare, waxaana la filayaa in Talyaanigu uu booskaas yeelan doono.

Waxa kale oo boos heli doona dalka ay kooxdaha ugu badan ay usoo gudbaan wareegyada ugu dambeeya tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan socda.

England, Italy iyo Germany ayaa ah waddamada ugu cadcad ee inay boosas helaan, laakiin England waxa la degaya labada kooxood ee Manchester United iyo Newcastle United oo labaduba wareeggii koowaad kaga hadhay tartanka Champions League, maadaama laba naadi oo kali ah oo Ingiriis ah ay usoo gudbeen wareegga 16ka Champions League.

Qiimaynta ay haystaan kooxaha Ingiriisku waa 0.53 dhibcood, iyaga oo kasii dambeeya Germany oo labaad fadhiya iyadoo Talyaanigu uu hoggaanka hayo maadaama ay laba kooxood oo Serie A ah ay yimaaddeen semi-finalka xilli-ciyaareedkii hore

Si kastaba ha ahaatee, fursadda Ingiriiska ee inay helaan boos shanaad oo Champions League ah ayaa waxay ku xidhnaan doontaa halka ay Arsenal iyo Manchester City ka gaadhaan tartanka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*