DEG-DEG: Thomas Tuchel Oo Shaaciyey Inuu Ka Tegayo Bayern Munich – Yaa Lagu Beddelayaa?


Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel ayaa ka tegaya Bayern Munich kaddib natiijooyin niyad-jab ahaa oo ay kooxdiisu ka keentay garoomada sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey, kuwaas oo saddexdii ugu dambeeyey si xun loo karbaashay.

Bayern Munich oo 11 sannadood oo xidhiidh ahaa ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ayaa qarka u saaran in xilli-ciyaareedkani u dhamaado iyagoo koob la’aan ah, waxaanay siddeed dhibcood ka dambeeyaan kooxda aan illaa hadda guul-darrada arag ee Bayer Leverkusen.

Thomas Tuchel oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaciyey, in uu ka tegayo kooxdaas oo uu yimid March 2023, isla markaana ka caawiyey in kulankii ugu dambeeyey ay horyaalka ku guuleystaan markii loo qabtay Borussia Dortmund oo laba dhibcood ka horreysay.

“Waxa aanu ku heshiinay, in aanu soo gabogabayno wada-shaqayntayada dhamaadka xilli-ciyaareedka. Inta waqtigaas laga gaadhayo, waxa aniga iyo shaqaalahayga tababarku aanu sii wadi doonaa sidii aanu u samayn lahayn wax walba oo aanu ku xaqiijin karayno sidii aanu guulaha ugu badan u gaadhi lahayn.” Ayuu yidhi Thomas Tuchel.

Bayern Munich ayaa markii hore la filayay in Thomas Tuchel uu ka baxo isla bishan, waxaana suuqa soo galay magacyada tababareyaal uu ka mid yahay Ole Gunner Solskjaer oo la sheegayey in si ku-meelgaadh ah loogu dhiibayo kooxda illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Laakiin haddii aanay kooxdu gelin guul-darrooyin kale oo quus ka dhiga xilli-ciyaareedkooda, waxa illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka ay sii haysan doonaan Thomas Tuchel.

Zinedine Zidane ayaa la sheegay in uu yahay tababaraha ugu cadcad ee loo magacaabayo Bayern Munich, halka ay sidoo kalena doonayaan Xabi Alonso oo Bayer Leverkusen ka dhigay kooxda kaliya ee xilli-ciyaareedkan guul-darro la’aanta ah qaaradda Yurub.

Thomas Tuchel ayaa loo magacaabay tababaraha Bayern Munich markii ay kooxdaasi shaqada ka caydhisay Julian Nagelsmann bishii March 2023, waxaana nasiib wanaag ay ciyaartii ugu dambaysay ku xaqiijisteen inay ku guuleystaan horyaalka oo ay quus ka ahaayeen, sababtoo ah waxa kulankii ugu dambeeyey la gaadhay iyadoo Borussia Dortmund laba dhibcood sarraysa balse barbarro ay Dortmund gashay ayaa labada kooxood ka dhigay isku dhibco, taas oo keentay in Bayern Munich ay farqiga goolasha ku qaaddo horyaalka.

Ka sokow in ay siddeed dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen, Munich ayaa waxa ay bishii November ka hadhay koobka German Cup, waxaana reebtay kooxda heerka saddexaad ee Saarbrucken, halka wareegga 16ka Champions League ay lugtii hore guul-darro kala kulmeen Lazio.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*