VIDEO: Bernando Silva Oo Tuuray Laadkii Xorta Ee Ugu Xumaa Premier League


Bernardo Silva ayaa loo diiwaangeliyay laadkii xorta ee ugu xumaa xilli ciyaareedkan kulankii ay Manchester City ka badisay xalay Brentford iyadoo si weyn loogu maadsaday baraha bulshada.

Inkastoo Man City ay 1-0 ku badisay ciyaartii xalay ka dib gool uu u dhaliyay Erling Haaland hadana hadal heynta ciyaarta waxaa qaatay laadkii xorta ee ka halaabay Bernando Silva kaasoo dhacay iyadoo ciyaarta ay barbaro aheyd.

Ka dib markii ay Man City waqti badan ku qaadatay inay isku diyaariso laadka xorta oo 30 mitir u jiray goolka, Silva ayaa kubada dhinac aan aheyn dhanka goolka u tuuray islamarkaana banaanka u saaray.

Manchester City’s Bernardo Silva with a bad free kick 60′
byu/dragon8811 insoccer

Pep Guardiola ayaa niyadjab darteed dhulka ku dhacay markii uu daawaday laadka xorta ee Bernando Silva halka taageerayaasha kubada cagta ay ku jahwareereen danta uu Bernando Silva ka lahaa qaabkii uu u tuuray laadka xort ah.

Taageere ayaa Twitter ku soo qoray: “Waan ooyayaa, tani waa laadkii xorta ee ugu xumaa abid.”

Midka ayaa yiri: “Waa markii ugu horeysay ee aan daawado ciyaaryahan Premier League ah oo wax sameynaya oo aan is iraahdo adigoo si ka fiican sameyn laheyd.”

Mid kale ayaa yiri: “Waan ogahay in qof walba oo garoonka ku jiray inuu amakaagay” halka taageere kale uu soo qoray: “Waxaan doonayaa inaan ogaado waxa ku jiray Bernando markii uu sidaan sameynayay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*