Ancelotti Oo Shaqo Lama Filaan Ah U Soo Bandhigay Luka Modric Iyo Xiddiga Khadka Dhexe Oo Ka Jawaabay


Luka Modric ayaa loo soo bandhigay shaqo ah inuu qeyb ka noqdo shaqaalaha tababarka Real Madrid haddii uu ciyaaraha ka fariisto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee Tottenham ayaa qandaraaskiisa Santiago Bernabeu waxa uu dhacayaa xagaaga.

Modric oo 38 sanno jir ah ayaa 20 jeer u saftay Los Blancos xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay hal gool islamarkaana caawiye ka noqday afar kale.

Warbaahinta The Athletic ayaa sheegtay in xiddiga khadka dhexe loo soo bandhigay inuu qeyb ka noqdo shaqaalaha tababarka ee Carlo Ancelotti.

Warbixinta The Athletic ayaa lagu sheegay in xiddiga reer Croatia uu iska diiday fursadaas inkastoo uu ka mahadceliyay shaqada weyn ee la siiyay.

Wargeyska ayaase sheegay in diidmada Modric inaysan aheyn mid kama danbeys ah islamarkaana uu weli ka fiirsan karo inuu qeyb ka noqdo shaqaalaha tababarka Ancelotti.

The Athletic waxay sheegtay in Modric uu weli baahi u qabo inuu sii wato waayihiisa ciyaareed.

Modric ayaa la filayaa inuu ka tago Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo aysan macquul aheyn in qandaraaskiisa ciyaaryahanimo loo sii kordhiyo.

Xiddiga khadka dhexe waxaa lala xiriiriyay inuu u wareegayo Sacuudiga iyadoo dhowr kooxood ay ku tartamayaan saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*