Inter Milan Oo Guul Ay Ku Silicday Ka Gaadhay Atletico Iyo Wixii Ka Dhacay Champions League Caawa


Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay Atletico Madrid lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, iyadoo kulankan ay hadheeyeen dhaawacyo dhawr ah oo xiddigo muhiim ah ay kaga baxeen labada kooxood.

Gool madi ah oo uu dhaliyey Marco Arnautovic ayaa Inter Milan siiyey faa’iido weyn oo ay la tegi doonto Spain bisha dambe ee March oo ay lugta labaad ee lagu go’aaminayo kooxda soo gudbaysa ay labada kooxood foodda isku dari doonaan.

Waqtigii nasashada ayaa waxa Inter Milan ay ku qasbanaatay inay beddesho weeraryahanka reer France ee Marcus Thuram, halka Atletico Madrid uu ka baxay difaaca dhexe ee Jimenez, iyadoo waqti dambena uu ciyaarta ka baxay Antoine Griezmann oo wax ka noqday lugta bidix.

Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Inter Milan oo gacanta sare lahayd, ayaa waxa fursado dahabi ahaa oo goolal loo qaatay dhawr jeer khasaariyey Arnautovic, halka Lautaro Martinez uu nasiibku diiday markii uu kubbad ka helay goolka hortiisa.

Goolhaye Jan Oblak ayaa kubbad madax lagu qabtay oo gool loo qaatay gacmaha la helay, isla markaana iskula tuuray dhulka.

Daqiiqaddii 79aad ayey Inter Milan ka faa’iidaysatay qalad uu sameeyey Reinildo oo kubbad lugtiisa ku jirtay laga gujiyey, waxaana goolhaye Oblak ula tegay Lautaro Martinez oo goolhayuhuhu uu kasoo difaacay, waxaana meel cidlo ah ka helay Aranautovic oo goolka ku leexiyey, sidaana libinta ugu go’aamiyey kooxdiisa.

Lugta labaad ee labadan kooxood ayaa ka dhici doonta garoonka Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid 13ka March, halkaas ayaanay ku caddaan doontaa kooxda u gudbaysa wareegga siddeedda Champions League.

Dhinaca kale, waxa barbarro 1-1 ah ku kala baxay kooxaha PSV Eindhoven iyo Borussia Dortmund oo labadii qaybood ee ciyaarta min hal gool dhaliyey.

Donyell Malen ayaa hoggaanka u dhiibay Borussia Dortmund daqiiqaddii 24aad ee ciyaarta, laakiin waxa rikoodhe ugu jawaabay Luuk de Jong kaddib markii uu qalad galay Matt Hammels.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*