Erling Haaland Oo Guul Muhiim Ah Ku Hoggaamiyey Manchester City Oo Hoggaanka Kulaalaysa


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hal dhibic u jirsatay Liverpool oo hoggaanka haysa, kaddib guul 1-0 ah oo ay ka gaadhay Brentford oo marti ugu ahayd Etihad Stadium.

Erling Haaland ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee guusha ku hoggaamiyey Manchester City dhamaadka ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaanay sidaas ku xaqiijisteen libin muhiim ah oo si weyn sare ugu soo qaadday hammiga City ee ah inay markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleystaan horyaalka Premier League.

Ciyaartan oo ahayd kulan ka baaqday Manchester City bishii December oo ay ku maqnaayeen tartanka Club World Cup, ayaa waxa waqti horeba ay ku dhowaadeen in ay quus ka dhigaan kooxda martida u ahayd ee Brenford oo 5tii bishan February ay 3-1 kusoo xasuuqeen iyadoo uu saddexlay ka dhaliyey Phil Foden.

Man City ayaa weerar joogto ah ku ekaysay goolka Brentford bilowgii ciyaarta, iyadoo kooxda tababare Thomas Frank ay ka dagaallamaysay in ay ka badbaaddo guul-darro kale oo ay kala kulmaan wiilasha Pep Guardiola.

Erling Haaland iyo Foden ayaa kubbado badan lumiyey labadii qaybood ee ciyaarta, iyadoo Bernardo Silva uu ahaa laacibka naqshadaynayey kubadda, haseyeeshee Jeremy Doku uu shabaqa gaadhsiin waayey kubbado badan oo uu garabka bidix kala soo galay.

Daqiiqaddii 71aad ayaa kubbad uu soo dhiibay Julian Alvarez waxa shabaqa ku leexiyey Erling Haaland oo dhalliil badan loogu jeediyey bandhiggiisii kulankii Chelsea oo uu lumiyey fursadihii ugu badnaa abid taariikhda Premier League.

Guushan ayaa ka dhigan, in Manchester City ay si buuxda ula wareegtay kaalinta lbaad ee horyaalka Premier League iyadoo yeelatay 56 dhibcood, waxaanay hal dhibic kaliya ka dambaysaa Liverpool oo hoggaanka haysa, halka Arsenal ay u dhacday kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 55 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*