Liverpool Oo Dalbatay Difaac Ingiriis Ah, Gavi Oo Ka Tegaya Barca, Man United Oo Laga Afduubanayo Rashford Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Liverpool ayaa doonaysa difaaca kooxda kubadda cagta Crystal Palace iyo xulka England ee Marc Guehi. (Telegraph)

Paris Saint-Germain waxay bartilmaameed ka dhiganaysaa weeraryahanka Napoli iyo xulka Nigeria ee Victor Osimhem, xiddiga Manchester United ee Marcus Rashford iyo 19 jirka Barcelona ee Gavi, si ay dibu-dhis ugu samayso safkeeda kaddib bixitaanka Kylian Mbappe oo kusii jeeda Real Madrid.(iNews)

Rashford ayaa waxa muddo dheer raadinayay madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi oo taageere weyn u ah. (MEN)

Agaasimaha ciyaaraha Bayer Leverkusen ee Simon Rolfes waxa uu sheegay, in uu hubo in Xabi Alonso uu sii joogi doono kooxdaas, inkasta oo ay raadinayaan kooxaha Liverpool iyo Bayer Munich. (Mirror)

Manchester United iyo Liverpool ayaa ka mid noqday kooxo Premier League ah oo xiisaynaya kubbad-burburiyaha Atalanta ee Ederson oo ah 24 jir u dhashay waddanka Brazil. Waxa hore laacibkan u doonayey Arsenal, Newcastle iyo Tottenham. (Gazzetta dello Sport)

Juventus ayaa sidoo kale isku dayaysa inay la saxeexato Ederson, balse waxay u badan tahay in hadda ay u jeedsan doonaan Teun Koopmeiner oo ay isaguna dhaxda uga ciyaara Atalanta, waana 25 jir u dhashay waddanka Netherlands. (Gazzetta dello Sport)

Manchester United ayaa xagaaga weydiisan doonta Juventus inay ka iibiso difaaca reer Brazil ee Gleison Bremen oo qiimihiisa lagu sheegay 70 milyan oo Euro. (Calciomercato)

Guddoomiye ku-xigeenka kooxda Fulham ee Tony Khan ayaa sheegay, in kooxdiisu ay ka fiirsanayso inay ogolaato dalabyada laga soo gudbinayo 28 jirka khadka dhexe ee rer Portugal ee Joao Palhinha. (TalkSport)

Barcelona waxa lagu qasbayaa in ay mushaharka ciyaartoydeeda ka dhinto £57 milyan oo Gini marka la gaadho xagaaga, waxaanay taasi keenaysaa inay ciyaartooyo waaweyn xaraasaan. (Sun)

Manchester United ayaa dib usoo cusboonaysiisay damacii kaga jiray weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo xagaagii tegay ay iibsatay Bayern Munich, iyo khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong, kuwaas oo xagaaga ay isku deyi doonaan inay lasoo wareegaan. (Football Transfers)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*