Kalsooni Buuxda!! Xiddiga Ay Real Madrid U Go’aamisay Inuu Xidho No.9 Oo La Ogaaday


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxa ay rajaynaysaa in xagaaga ay laba ciyaartoy oo ay muddo sugaysay kusoo kordhiso safkeeda, waana Kylian Mbappe oo ay si xor ah ugala soo wareegayaan Paris Saint-Germain iyo weeraryahanka reer Brazil ee Endrick oo uga imanaya Palmeiras.

Real Madrid ayaa waxa bannaan No.9 tan iyo markii uu ka tegay Karim Benzema xagaagii, waxaana la sheegay in xiddiga reer France ee Kylian Mbappe aanu qaadan doonin No.9 oo uu xidhan doono No.10 oo uu bannaynayo Luka Modric, taas oo No.9 cidlo u dhigaysa Endrick.

Xiddigan da’da yar ee reer Brazil oo bisha July ay da’diisu noqon doonto 18 jir ayaa usoo duuli doona magaalada Madrid oo uu kaga biiri doono kooxdiisa, maadaama uu xulka qarankiisa Bazil ka hadhay tartanka Olombikada oo la filayey inuu kala qayb-geli doono.

Vinicius Junior oo hayst No.7, Kylian Mbappe oo xidhan No.10, Endrick oo haysta No.9 iyo Rodrygo Goes oo No.11 ah ayaa ay Real Madrid qorshaysatay in ay xilli-ciyaareedka dambe ku midoobaan afka hore ee kooxdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*