Diogo Jota Iyo Curtis Jones Oo Ka Maqan Finalka Carabao Cup, Szoboszlai & Alisson Oo Shaki Ku Jiro Iyo Dhaawacyada Liverpool Ee Xadhkaha Goosta


Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waxa ku habsaday dhaawacyo tiro badan, waxaana la xaqiijiyey in finalka Carabao Cup ee Axadda ee Chelsea ay ka maqnaan doonaan Diogo Jota iyo Curtis Jones oo labaduba ku dhaawacmay ciyaartii horyaalka Premier League ee Brentford ee Sabtidii.

Sawirro laga qaaday labadan ciyaartoy ayaa waxa ay muujinayaan in midkoodna aanu tegi doonin finalka Axadda ee lagu ciyaari doono garoonka qaranka England ee Wembley. Waxa kale oo Liverpool ciyaartan ka maqnaan doona ciyaartooyo kale oo muhiim ah.

Difaaca midig ee reer England ee Trent Alexander-Arnold oo ka dhaawacan jilibka ayaan wax fursad ah u heli doonin ciyaartan, sidoo kalena Dominik Szoboszlai iyo Alisson Becker ayaanu midkoodna wali kusoo laabanin tababarka, waxaana uu shaki weyn ku jiraa inay awoodi doonaan inay ciyaaraan kulankan.

Jota iyo Jones oo laga saaray garoonka qaybta hore ee ciyaartii ay kooxdoodu 4-1 ku xasuuqday Brentford ayaa ka kala dhaawacmay jilibka iyo kuraanta, waxaanay Reds ku samayn doontaa hubin dheeraad ah ka hor inta aan la shaacin muddada ay maqnaanayaan iyadoo la qiyaasayo in Jota uu ugu yaraan laba bilood ka maqnaan doono garoomada.

Alexander-Arnold ayaa isagana jugo is-gaadhay ay ku keeneen xanuun jilibka ah, halka Alisson uu Jimcihii dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay tababarkii kooxdiisa.

Walaaca Liverpool waxa sii kordhiyey weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo isaguna 45 daqiiqadood oo kaliya ciyaaray kulanii Brentford, isla markaana dhaawac lagu saaray waqtigii nasashada, iyadoo tababare Jurgen Klopp uu xaqiijiyey inuu wax ama xanuun ka dareemay muruqa.

Liverpool waxa hore uga maqnaa Thiago Alcantara, Stefan Bajcetic, Joel Matip iyo Ben Doak, kuwaas oo aan rajo badan laga qabin inay u ciyaari doonaan kooxda inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.

Ka sokow kulamada Luton Town ee Arbacada habeen dambe ee horyaalka Premier League iyo Finalka Carabao Cup ee Axadda, waxa Liverpool kusoo aaddan jadwal adag, waxaana iskugu xigaya Nottingham Forest oo ay u tegi doonto, Man City oo kusoo booqan doonta Anfield iyo Everton oo ay xafiiltanka weyn ee Merseyside Derby isku haleeli doonaan garoonka Goodison Park. Intaas kaddib waxay isku diyaarin doonaan Manchester United oo ay ugu tegi doonaan Old Trafford marka ay taariikhdu tahay April 6.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*