Xulka England Oo SADDEX Ciyaartoy Oo Cusub Ugu Yeedhay Kulamada Brazil Iyo Belgium


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa si dhow ula socda saddex ciyaartoy oo aan waligood u dheelin xulka dalkaas, kuwaas oo uu doonayo inay qayb ka noqdaan kulamada saaxiibtinimo ee Brazil iyo Belgium, halka uu ka dayrinayo Kalvin Phillps oo ay suurtogal tahay in aanu kusoo darin xulka.

Dheemanka Manchester United ee Kobbie Mainoo oo uu dhawr jeer daawaday tababare Gareth Southgate ayaa loogu yeedhi doonaa xulka qaranka England kulamada Brazil iyo Belgium, si meesha uu uga baxo damaca xidhiidhka kubadda cagta Ghana oo uu asal ahaan kasoo jeeda da’yarkan, kuwaas oo iyaguna isku dayaya inay ku qanciyaan inuu u ciyaaro dalkooda.

Waxa kale oo uu Gareth Southgate ugu yeedhi doonaa kulamadan, laacibka Everton ee James Garner iyo Harrison Reed oo u dheela Fulham, halka khadka dhexe ee West Ham ee James Ward-Prowse la filayo inuu ka mid noqdo xulkan oo uu laba sannadood ka maqnaa, isaga oo 11 jeer u saftay.

Phillis oo xagaagii ka tegay Manchester City oo amaah ku jooga West Ham ayaa qalad xun sameeyey kulankii Bournemouth oo uu bixiyey kubbad laga dhaliyey kooxdiisa, halka ciyaartii xigtay ee Man United kaydka loo diray.

Waxa kale oo kaadh la siiyey markii uu beddel ku yimid ciyaartii ay Arsenal 6-0 ku xasuuqday naadigiisa, halka casaan lagaga saaray ciyaartii guul-darrada ee Sabtidii ee Nottingham Forest.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*