Michael Owen Oo Doortay Midka Wanaagsan Rasmus Hojlund Iyo Darwin Nunez


Weeraryahankii hore ee kooxaha Liverpool iyo Manchester United ee doortay midka wanaagsan labada ciyaartoy ee Darwin Nunez iyo Rasmus Hojlund oo labadan kooxood u kala dheela, waxaana uu saadaaliyey goolasha ay dhalin doonaan iyo midka badnaanaya.

Rasmus Hojlund oo ay Manchester United £72 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Atalanta xagaagii ayaa 15kii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka Premier League dhaliyey hal gool oo kaliya, hase yeeshee waxa uu dib u helay qaabkiisa intii uu curtay sannadkan cusub, isaga oo toddoba gool dhaliyey lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Darwin Nunez oo sannad kaga soo horreeyey Rasmus Hojlund horyaalka Premier League, ayaa waxay Liverpool £85 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica, waxaana xilli-ciyaareedkan socda uu dhaliyey sagaal gool oo kaliya, waxaanu laba gool ka sarreeyaa Hojlund, isaga oo waliba afar kulan ka badan inta uu weeraryahanka Man United ciyaaray.

Michael Owen oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Hojlund waxa uu dhalin karayaa goolal badan marka la barbar-dhigo Darwin Nunez.”

Si kastaba, Darwin Nunez waxa uu Liverpool u ciyaaray 79 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 28 gool iyo 15 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*