DEG-DEG: Geerida Laga Soo Sheegay Guriga Sir Alex Ferguson Ee Murugada Gelisay Man United


Murugo ayaa kusoo korodhay Manchester United iyo bahda kubadda cagta, waxaana geeri laga soo sheegayaa guriga tababarihii hore ee kooxdaas ee Sir Alex Ferguson.

Ruug-caddaagan oo sannadkii 2013 hawlgab ka noqday Manchester United oo uu xilka kusii wareejiyey David Moyes, illaa haddana aanay kooxdu ku guuleysanin horyaalka Premier League toban sannadood oo uu kasii maqan yahay, ayaa maanta ay murugo horleh usoo hoyatay.

Sida ay Manchester United ku dhawaaqday, Sir Alex Ferguson oo sannadihii ugu dambeeyey diciifnimo oo jidheed oo ay da’du sababtay marar badan gurigiisa ugu jiray, isla markaana lagu sameeyey qalliin dhinaca maskaxda ah, ayaa waxa uu maanta waayey garabkiisii nolosha.

War-saxaafadeed ay Manchester United iyo qoyska reer Ferguson soo saareen, ayaa lagu sheegay in ay geeriyootay xaaskii Sir Alex Ferguson oo lagu magacaaby jiray Cathy Ferguson oo ay da’deedu ahayd 84 jir.

“Waxa annaga oo murugaysan aanu shaacinaynaa geerida Lady Cathy Ferguson oo dareeyalaysay saygeeda, saddexda, laba hablood iyo 12 carruur ah oo ay ayeey u ahayd.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Sir Alex Ferguson ayaa waxa uu guursaday xaaskiisa geeriyootay ee Cathy Ferguson sannadkii 1964kii, waqtigaas oo ay da’diisu ahayd 23 jir, waxaanay u dhashay saddex wiil oo kala ah Mark oo dhashay sannadkii 1968kii iyo labada mataanood ee Darren iyo Jason oo dhashay sannadkii 1972kii. Carruurtoodan ayaa sii dashay 12 kale oo ubad ah oo qaarkood ay carruuro sii dhaleen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*