Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Codsigii Jurgen Klopp Ee In Dib Loo Ciyaaro Kulankii Liverpool Ay Guuldarada Ka Soo Gaartay Tottenham?


Pep Guardiola ayaa jawaab ka bixiyay codsigii Jurgen Klopp ee ahaa in guuldaradii Liverpool ka soo gaartay Tottenham dib loo ciyaaro.

Reds ayaa udub dhexaad u ahayd muranka iyo shakiga socda ee laga qabo VAR ka dib markii xiriirka garsoorayaasha PGMOL ay xaqiijiyeen in goolkii Luis Diaz si qaldan loo diiday.

Cod ceeb ah ku ahaa VAR oo laga duubay garsoorayaasha VAR iyo garsooraha dhexe Simon Hooper ayaa markii danbe la sii daayay.

Dhanka kale, guddiga madaxa banaan ee Premier League ayaa tan iyo markaas xaqiijiyay in Diogo Jota ay qalad aheyd in la siiyo jaale labaad.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id Arbacadii, Klopp ayaa soo jeediyay in ciyaarta oo lagu celiyo ay tahay xalka kaliya ee cadaalad ah, waxaana fekradaas ku gacansayray Gary Neville.

Tababaraha Manchester City Guardiola ayaa hadda fikradiisa ka dhiibtay arrintan, isagoo sheegay in Liverpool ay qasab ku tahay inay aqbasho qaladkii dhacay.

“Waxaan idhi ka hor ciyaarta Champions League, waxay ahayd qalad dhacay, aqbal,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Mar walba way adag tahay, bini’aadanku qaladaad ayuu samayn karaa laakiin mashiinadu iyo VAR waxay u taagan yihiin inay hoos u dhigto qaladaad.

“Bini’aadamka oo dhan waxay sameeyaan khaladaad, waan sameynaa qaladaad.”

Fariinta Pep Guardiola ee Jurgen Klopp ayaa noqotay inuu u sheego ninka ay xafiiltamaan in qalad uu dhacay islamarkaana la joogo waqtigii ay Liverpool aqbali laheyd horayna uga socon laheyd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*