Jamie Carragher ayaa saadaal geesinimo leh ka bixiyay kulanka weyn ee Premier League ee dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Manchester City.
Kooxda Man City oo kaalinta kowaad ku jirta ayaa aadi doonta Emirates si ay maalinta Axada ah ula ciyaarto kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Arsenal kulan kaas oo is badal weyn ku sameyn doona tartanka horyaalka.
Waxa ay noqon doontaa kulankii ugu horeeyay ee Man City ay ciyaarto horyaalka tan iyo markii ay guuldaro 2-1 ah kala kulmeen Wolves.
Dhanka Gunners, waxa ay 4-0 kaga badiyeen Bournemouth kulankoodii ugu danbeeyay horyaalka.
Labada kooxood ayaa tan iyo markaas ciyaaray Champions League, iyadoo Man City ay garaacday RB Leipzig halka Arsenal ay guuldarro ka soo gaartay Lens.
Ka hor kulankooda horyaalka, Carragher ayaa saadaaliyay ciyaartaas isagoo sidoo kale ka hadlay hamiga horyaalka ee Liverpool.
Waxa uu u saadaaliyay in Arsenal ay garaaci doonto Man City, sababa la xiriira maqnaanshaha Rodri, kaasoo weli ganaax ku maqan ka dib casaankii uu qaatay kulankii Nottingham Forest.
“Waxaan guusha u saadalinayaa Arsenal, waxaan u maleynayaa inay Arsenal guusha gaari doonto” ayuu Carragher u sheegay Sky Sports.
“Gurigooda oo faa’ido ah iyo Rodri oo maqan – yaa xiddig weyn u ah Man City?”
Carragher ayaa sidoo kale rajeynaya in kooxda Mikel Arteta ay garaacdo City si uu xamaasad u yeesho tartanka horyaalka islamarkaana Liverpool ay qeyb ka noqoto tartanka.
“Waxaan rajeyneynaa in taasi ay na siin doonto tartan horyaal oo xiiso badan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaan sidoo kale rabaa in Liverpool ay ka qeyb qaadato tartanka” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxaan dooneynaa in tartanka horyaalka uu socdo ilaa iyo inta ay suurtagal tahay – si la mid ah xilli ciyaareedkii hore oo Man City iyo Arsenal ay ku tartameen ilaa dhamaadkii.
“Marka, waxaan rajeynayaa in Arsenal ay heli doonto seddexda dhibcood.” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, isagoo dhoola cadeynaya.
Be the first to comment