Arsenal Oo Xasuuq Weyn U Geysatay Burnley Xilli Ay Cidhiidhi Gelinayso Liverpool


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa 5-0 ku xasuuqday Burnley, waxaanay usoo dhowaatay Liverpool oo ay mar kale usoo jirsatay laba dhibcood oo kaliya, iyadoo si ku-meelgaadh ah ay Gunners ugu fadhiisatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

Arsenal oo usbuucii hore 6-0 kusoo xasuuqday West Ham, ayaa mar kale geysatay xasuuq kale oo 5-0 ah waxaana iyadoo shabaqoodu nadiif yahay ay laba ciyaarood gudahood ku dhaliyeen 11 gool, taas oo ka dhigaysa kooxda ugu goolasha badan horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena ugu difaaca wanaagsan iyadoo laga dhaliyey 22 gool oo kaliya.

Laba gool oo uu dhaliyey Bukayo Saka iyo saddex ay qaybsadeen Martin Odegaard, Leandro Trossard iyo Kai Havertz ayaa burburiyey Burnley oo waqti horeba is-dhiibtay.

Daqiiqaddii afraad ee bilowga ciyaarta ayuu Martin Odegaard noqday aftax wanaagsan oo uu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, halka dhamaadkiina uu Bukayo Saka u hadiyeeyey rikoodhe la filayey inuu kabtan Odegaard tuuranayo, laakiin markii uu kubadda dhigay booska laga laagto uu ugu wacay Bukayo Saka oo shabaqa ku husbaday, inkasta oo uu ku sigtay in goolhayuhu gaadho.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu Odegaard kubbad kale oo hiyad ah u dhiibay Saka oo si xarrago leh u dhamaystiray, halka Leandro Trossard iyo Kai Havertz ay iyaguna keeneen labada gool ee kale.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Arsenal ay haysato 55 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka hooseeyaan Liverpool oo maanta 4-1 kusoo karbaashtay Brentford, halka Man City oo la ciyaaraysa Chelsea ay hadda fadhido kaalinta saddexaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*