Xiddigii Garoonka Ee Waqtiga Dambe La Go’aamiyey, Laacibkii Ceeboobay Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool vs Brentford


Mohamed Salah ayaa gool dhaliyey mid kalena caawiyey isaga oo beddel kusoo galay ciyaartii ay 4-1 ku karbaasheen Bretnford, waxaana uu hoggaanka usii dhereeyey kooxdiisa.

Ciyaartan oo ay dhaawacyo ruxeen Liverpool oo ay ka baxeen Diogo Jota oo garoonka laga dhax-qaaday iyo Curtis Jones oo isaga oo socodku ku adag yahay laga saaray garoonka.

Darwin Nunez ayaa kubbad uu ka dul-qaaday goolhayaha ku furay ciyaarta qaybta hore, kahor intii aanu Jota dhaawaca ku bixin, laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Alexis Mac Allister iyo Mohamed Salah min hal gool dhaliyeen, ka hor intii aanay Ivan Toney iyo Cody Gakpo iskugu jawaab in laba gool.

Laacibkii ku ceeboobay garoonka

Difaaca kooxda kubadda cagta Brentford ee Nathan Collins oo sameeyey qaladka goolka ugu dambeeyey ee Liverpool, sidoo kalena ahaa maqane jooga ayaa noqday ciyaartoygii ugu liitay garoonka, halka kooxda martida loo ahaa ee Brentford uu laacibkooda ugu fiican ahaa goolhaye Flekken.

Xiddigii garoonka

Mohamed Salah oo gool dhaliyey mid kalena caawiyey ayaa noqday ciyaartoygii ugu fiicnaa garoonka ee ay telefishannada iyo Premier League-ba isku raaceen. Iyadoo uu beddel kusoo galay ayaa uu saamayn badan ku yeeshay ciyaarta, waxaana uu helay qiimayntii ugu sarraysay oo ahayd darajada 9.5.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Brentford: Flekken (7), Roerslev (5), Collins (4), Ajer (5), Mee (5), Reguilon (5), Norgaard (5), Janelt (5), Jensen (6), Maupay (5), Toney (6).

Beddelka: Wissa (5), Onyeka (5), Lewis-Potter (5), Damsgaard (5), Ghoddos (5).

Liverpool: Kelleher (7), Bradley (7), Van Dijk (7), Konate (7), Robertson (7), Endo (7), Mac Allister (8), Jones (5), Jota (7), Nunez (8), Diaz (7).

Beddelka: Gravenberch (6), Salah (9), Gakpo (7), Gomez (5), Elliott (5).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*