CEEB WEYNAA!! Barcelona Oo U Dabbaal-degaysa ‘Maalinta Qowmu-luudka’


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ka cadhaysiin doonta taageereyaal badan oo ay ku leedahay dunida Islaamka, sababtoo ah waxa ay qaadaysaa tallaabo aan habboonayn oo ay ugu ololaynayso dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

19ka bishan February ayay Barcelona u dabbaal-degi doontaa xuska maalinta ‘Qowmu-luudka’ ama dadka isku jinsiga ah ee is-guursada, taas oo ay jamaahiirteeda ugu sheegayso in ficilladan ay yihiin wax caadi ah, isla markaana dadka sameeya aan la faquuqin.

Fuxshigan oo lagu halaagay Qowmkii Reer Luud, ayaa waxa garoonka Estadi Johan Cruyff ee Barcelona lagu samayn doonaa xus weyn oo fasahaadkan lagu weynaynayo.

Qaybta Johan Cruyff ee garoonka ayaa waxa soo fadhiisan doona Elena Fort oo ah madaxweyne ku-xigeenka Barcelona, agaasimaha ciyaaraha kooxda haweenka Barcelona Xavier Puig iyo masuuliyiin kale oo kooxda ah. Waxa kale oo soo fadhiisan doona rag ay qabaan rag kale, iyo naago ay naago kale qabaan.

Barcelona oo ka mid ah kooxaha taageereyaasha badan ku leh dunida Muslimka ayaa halis ugu jirta inay lumiso taageereyaal badan maadaama ay noqonayso kooxdii ugu horreysay ee weyn ee xus noocan oo kale ah ku dhiirigelisa ‘Qowmu-luudka’, waxaana waliba arrinta dabka kusii shidaya in maalinta xuskan la samaynayo aanay xataa kooxdu ciyaaraynin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*