“Waxa Aad Noqotay Bahal…” – Muuqaal Uu Iska Duubay Mesut Ozil Oo La Aqoonsan Waayey


Waxa baraha bulshada qabsaday sawirrada xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Arsenal ee Mesut Ozil oo jidh ahaan uu ku dhacay isbeddel badan intii uu ka fadhiistay kubadda cagta, waxaana laacibkani uu yeeshay muruqyo waaweyn.

Ozil oo xulka qaranka Germany la qaaday Koobkii Adduunka 2014 oo uu wacdaro ka dhigay ayaa ka fadhiistay kubadda cagta sannadkii 2023 kaddib dhaawacyo tiro badnaa oo kusoo noqnoqday, waxaana markaas kaddib uu bilaabay inuu sameeyo jidh-dhis.

Kubbad-sameeyahan hore ee waqtigiisii ugu fiicnaa kusoo qaatay kooxaha Real Madrid iyo Arsenal, laakiin kabaha ku tiiriyey waddanka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee Turkey oo uu hadda ku nool yahay, ayaa waxa uu bartiisa Instagram soo dhigay muuqaal uu samaynayo jimicsiyo kala duwan.

Muuqaalkan ayuu kusoo dul-qoray: “Mar walba waa inaad ahaato diyaar, markaa uma baahnid inaad diyaar-garowdo.”

Muruqyo waaweyn oo gamacaha, garbaha iyo lugaha ah ayaa laga arkay muuqaalka Mesut Ozil, waxaanay taasi keentay inay ka falceliyaan ciyaartooyo hore iyo kuwa hadda ah.

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa qoraal uu kusoo hoos qoray muuqaalka Mesut Ozil, waxa uu ku yidhi: “Walaal waxa aad u muuqataa in aad xooggan tahay.”

Difaaca Real Madrid iyo xulka Germany ee Antonio Rudiger ayaa isaguna qoraal ku yidhi: “Waxa aad noqotay bahal.”

Taageere Arsenal ah oo ogaa dagaalkii ay labada nin ee budhcadda ah kusoo qaadeen Ozil iyo Saedl Kolasinac sannadkii 2019 waqti ay ka adeeganayeen dukaan suuqa Londoin ku yaalla, ayaa yidhi: “Walaal, hadda uma baahnid in uu Saed Kolasinac ku ilaaliyo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*