SAADAAL: Chelsea & Man City Oo Isku Jabaya, Man United Oo Lagu Dhegayo, Natiijooyinka Arsenal & Liverpool Iyo Saadaasha Chris Sutton Ee Usbuucan


Manchester United ayaa la kulmi doonta jug hoos u dhigi doonta fursaddii ay ku eryanayeen kaalinta afraad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premeir League, waxaana jilbaha qaban doonta oo laba dhibcood ka lumin doonta Luton Town.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton ayaa saadaaliyey in Manchester United ay kufi doonto usbuucan oo ay laba dhibcood lumin doonto, waxaana uu yidhi: “United guushii ay ka gaadhay Aston Villa usbuucii u dambeeyey, waxay u ahayd mid wanaagsan. Sheekada wanaagsani waxay ahayd bandhiggii fiicnaa ee Harry Maguire, Alejandro Garnacho oo si dhab ah u noolaa iyo Rasmus Hojlund iyo Scott McTominay oo dhaliyey labada gool.”

Sutton waxa uu sidoo kale saadaaliyey natiijada ay kusoo dhamaan doonto ciyaarta la sugayo ee Manchester City iyo Chelsea ee Sabtida oo garoonka Stamford Bridge ay foodda isku dari doonaan, taas oo natiijadeeda loo dheg taagayo.

Manchester City waxay u baahan tahay inay guuleysato si ay usii xajisato kaalinta labaad amaba hoggaanka ula wareegi karto haddii Liverpool laga adkaado usbuucan, halka Chelsea oo ku jirta kaalinta 10aad ay u dhici doonto booska 11aad haddii laga guuleysto oo ay sidoo kale soo badiso Wolves oo laba dhibcood oo kaliya ka dambaysa.

Chris Sutton waxa kale oo uu saadaashiisa ku sheegay, in Liverpool iyo Arsenal ay guulo waaweyn gaadhi doonaan.

Saadaasha Chris Sutton ee kulamada usbuuca 25 ee Premier League

Jimce

Brentford 1-2 Liverpool

Burnley 1-2 Arsenal

Fulham 1-1 Aston Villa

Newcastle 2-1 Bournemouth

Nottingham Forest 2-1 West Ham

Tottenham 3-1 Wolves

Man City 2-0 Chelsea

Axad

Sheffield United 0-2 Brighton

Luton Town 2-2 Manchester United

Isniin

Everton 2-0 Crystal Palace

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*