DEG-DEG: Mikel Arteta Oo Shaaciyey Qorshaha Arsenal Ee Kylian Mbappe


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaciyey, in uu rajaynayo in naadigiisu uu ku tartamo saxeexa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ku wargeliyey naadigiisa PSG in uu ka tegayo xagaaga, kaas oo loo badinayo inuu ka degi doono Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa heegan geliyey naadiyada waaweyn ee Yurub markii uu xaqiijiyey in aanu kordhinayn qandaraaskiisa PSG oo ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedkan, isla markaana uu soo afjarayo lix sannadood oo uu ka ciyaarayey Parc des Princes.

25 jirkan oo 290 ciyaarood oo uu u saftay PSG u dhaliyey 243 gool, ayaa waxa uu qarka u saarnaa Real Madrid oo dul-dhigtay dalab €220 milyan oo Euro ahaa August 2021, laakiin PSG ayaa diidday.

Arsenal ayaa si lama filaan ah uga mid noqotay kooxaha lala xidhiidhinayo xiddigga reer France, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in uu qaadayo raadkii Thierry Henry, waxaana ugu dambayntii arrintan ka hadlay tababare Mikel Arteta oo lagu su’aalay shirkii jaraa’id ee duhurkii maanta ee ka hor ciyaarta Burnley qorshaha naadigiisa ee la xidhiidha Kylian Mbappe.

“Marka uu jiro ciyaartoy heerkaas oo kale gaadhsiisan, mar walba waanu ka sheekaysanayaa, laakiin sida aad sheegtay waxay u muuqataa in Mbappe uu qaaday dariiq kale (inuu u saxeexayo Real Madrid).” Ayuu yidhi Mikel Arteta.

Hadalka Mikel Arteta ayaa ka dhigan in aanay kooxdiisa Arsenal wax rajo ah ka qabin inay la saxeexan doonaan, maadaama uu qiray in laacibkani uu qaaday dariiq kale oo ah inuu tegayo Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*