DEG-DEG: Tababare Weyn Oo Laga Caydhiyey Horyaalka Premier League


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa galay marxaladdii xaasaasiga ahayd ee ay kooxuhu samaynayeen isbeddelka, gaar ahaan kuwa natiijooyinka aan fiicnayn ka keenaya garoomada si ay inta ka hadhay xilli-ciyaareedka ugu dagaallamaan inay kaalmaha sare hiigsadaan.

Kooxo badan ayaa dhibaato ku jira, waxaana ay jamaahiirtu dalbanayeen in shaqada laga caydhiyo tababaraha kooxda Chelsa ee Mauricio Pochettino kaddib natiijooyinkii liitay ee ay ka keeneen kulamadii Liverpool iyo Brighton, laakiin waxa uu cadaadiska ka nafisay markii ay kooxdiisu kusoo laabatay jidka guusha.

Sidoo kale, waxa uu cadaadis badan saaran tababareyaasha kooxaha Burnley ee Vincent Kompany iyo Crystal Palace ee Roy Hodgson oo isaga ay maanta seeftu qaadday.

Kooxda reer London ee Crystal Palace ayaa go’misay in ay shaqada ka caydhiso tababare Roy Hodgson kaddib markii ay Isniintii Chelsea ku karbaashtay 3-1, iyaga oo waliba ku sugnaa garoonkooda.

Roy Hodgson oo maanta laga baajiyey shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta Everton ee Isniinta, ayaa waxa la sheegay in loo qaaday cusbitaal oo uu xanuunsanayo, hase yeeshee kooxdiisa ayaa go’aamisay in ay shaqada ka caydhiso.

Crystal Palace ayaa waxa ay go’aanka caydhinta Roy Hodgson sii gaadhay shalay, waxaana sidoo kale isla shalay ay sii diyaarisay tababaraha ay u beddelayso oo ah Oliver Glasner oo hore macallin ugu soo ahaa kooxda horyaalka Bundesliga ee Eintracht Frankfurt.

Gasner ayaa waxa uu Crystal Palace u saxeexi doonaa heshiis soconaya illaa June 2026.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*