Thierry Henry Iyo Jamie Carragher Oo Gorfeeyey Doonista Arsenal Ee Kylian Mbappe


Halyeeyadii Liverpool iyo Arsenal ee Jamie Carragher iyo Thierry Henry ayaa gorfeeyey wararka sheegaya in kooxda horyaalka Premier League ee Arsenal ay doonayso inay la saxeexato Kylian Mbappe, kaas oo isaguna la dhacsan inuu tago Emirates Stadium.

Jamie Carragher oo difaaca uga ciyaari jiray Liverpool iyo xulka qaranka England ayaa waxa uu sheegay, in aanu marnaba rumaysan doonin warka ku saabsan in Kylian Mbappe uu doonayo inuu tago Arsenal, hase yeeshee Thierry Henry oo hormood u ahaa guulihii ay kooxdan reer London gaadhay dhamaadka 1990-meeyadii iyo horraantii 2000-aadka, ayaa waxa uu sheegay in ay Mbappe u furan tahay inuu yimaaddo Arsenal.

Henry ayaa waxa uu sidoo jkale sheegay in uu doonayo in Kylian MbappeĀ  uu sii joogo PSG oo uu xulka qarankiisa Faransiiskana u ciyaaro tartanka Olombikada adduunka, balse Jamie Carragher ayaa kasoo horjeedsaday taas oo isaguna xusay inuu rumaysan yahay in Kylian Mbappe uu ku biiri doono Real Madrid ka hor ciyaaraha olombikada.

Labadan halyey oo xalay ka hadlayay ciyaartii Champions League ee ay PSG 2-0 ku garaacday Real Sociedad, ayaa waxa hadalka ku horreeyey Thierry Henry oo yidhi: “Way adag tahay, in la helo ciyaartoy u dheela kooxaha Ingiriiska, xulka Faransiiskana u ciyaara olombikada. Waxa ay ila tahay in ay u fasaxayaan (kooxaha Faransiisku) ciyaartoyda (ciyaaraha olombikada). Dhibaatooyinkuna waxa ay yihiin in kooxaha dibedda dalku ay ciyaartoyda soo fasixi doonaan. Uma soo dirayaan, waana arrin aad u adag.”

Jamie Carragher ayaa hadalka qaatay oo isaguna yidhi: “Bal eeg inta koob ee Yurub ee ay Real Madrid ku guuleysatay ama Champions League ee aynu hadda xasuusanahay. In ay haystaan Vinicius, Rodrygo iyo Bellingham oo lagu daray Mbappe waxay noqon doontaa wax aad u macaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*