Rasmus Hojlund Oo Magacaabay LABADA Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsanaa Ee Abid Uu Ka Garab Ciyaaray


Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Rasmus Hojlund ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee ugu hibada badnaa ee abid uu ka garab ciyaaro intii uu ku jiray xirfadda kubadda cagta.

Hojlund oo bilowgii waayihiisa Old Trafford ku dhibaatooday garoonka Old Trafford oo xagaagii uu kaga soo biiray Atalanta, kaddib 14 ciyaarood oo Premier League ah oo aanu wax goolal ah dhalinin.

21 jirkan ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey si xidhiidh ah goolal ugu dhaliyey kooxdiisa, isaga oo Axaddiina masaafo kooban shabaqa kaga hubsaday kubadda kulankii ay 2-1 ku garaaceen Aston Villa.

Laacibkan oo canaan badan ku mutaystay markii uu goolku diiday iyadoo ay kooxdiisa Manchester United kasoo bixisay £72 milyan oo Gini, ayaa waraysi uu siiyey JD Sports, waxa lagu weydiiyey ciyaartoydii ugu fiicnaa, uguna hibada badnaa ee uu ka garab ciyaaray, waxaana uu ku jawaabay: “Marka aad eegto awoodda, waa Marcus Rashford ama Bruno Fernandes.”

Rasmus Hojlund ayaa inkasta oo uu ka baxay dhibaatada goolal la’aanta ah, waxa garabkiisa ku dhibaatoonaya saaxiibkii Marcus Rashford oo ay gool-dhalintu dafirtay, sidoo kalena ay aad u yaraatay caawintiisu. Waxa kale oo aan marxalad fiican ku jirin Bruno Fernandes.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*