“Walaal Iga Raalli Noqo, Ma Ahayn…” – Xiddigii Garaacay Son Ee Farta Ka Jabiyey Oo Hadlay


Xiddiga reer Koonfur Korea ee Lee Kang-in ayaa raalligelin buuxda siiyey weeraryahanka ay isku waddanka yihiin ee Son Heung-min, kaas oo dagaal dagaal ku dhax maray qolka labbiska uu farta kaga jabiyey.

Lee oo u ciyaara kooxda kubadda cagta PSG ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda xulka qaranka Koonfur Korea ee ka qayb-galay tartanka qaramada Asia ee ay ku guuleysatay Qatar, kaas oo semi-finalkii ay ku garaacday Jordan.

Ciyaartoyda xulka qaranka Koonfur Korea ayaa maalin ka hor ciyaartii Jordan waxay ku wada casheeyeen hal goob, kaddibna Son Heung-min oo ahaa kabtankooda ayaa u sheegay in aanay ka kicin miiska cashada si ay waqti badan u wada qaataan oo ay u darsaan ciyaarta kusoo socotay ee Jordan, taas oo ciyaartooyo uu ka mid yahay Lee ay diideen inay sii fadhiyaan.

Hadalka oo ka xumaaday ayaa sababay in Son Heung-min iyo Lee Kang-in ay gacanta isku qaadaan oo ay feedh iskala daalaan, waxaana intii uu socday dagaalku far ka jabay Son oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa Tottenham iyadoo farta uu dhaawac ka qabo.

Lee Kang-in ayaa ugu dambayn qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram, waxa uu raalligelin kaga bixiyey dhaawaca uu u geystay Son Heung-min, waxaanu yidhi: “Waxa soo baxay warar sheegaya in uu dhaawawc kasoo gaadhay Son isku-dacayagii ka hor ciyaartii semi-finalka Asian Cup.

“Niyad-jab weyn ayaan ku abuuray dhamaan taageereyaasha kubadda cagta ee taageera xulka qaranka, aad ayaan uga xumahay. Waxay ahayd in aan dhegaysto ciyaartoyda iga waaweyn, waanan ka raalligelinayaa in aanan muujin hab-dhaqan fiican.

“Waxa aan raalligelinayaa dad badan oo iga niyad-jabay. Si fiican ayaan u ogsoonahay qiimaha ay taageereyaashu igu leeyihiin iyo waxa ay i gashadeen ciyaartoy ahaan. Hadda laga bilaabo, waxa aan isku dayi doonaa in aan taageero ciyaartoyda waaweyn oo aan noqdo shaqsi fiican ciyaartoy ahaan iyo shaqsi ahaanba.

Son Heung-min oo ay da’diisu tahay 31 jir ayaa Tottenham ku laabtay tababarkeeda isaga oo laba farood isku duuban yihiin, halka Lee Kang-in oo 22 jir ah uu isaguna dib ugu noqday kooxdiisa PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*